Dhageyso: USA oo arrimo xasaasi kala hadlaysa wafti ka socda mamulka Juba

Virginia (Caasimada Online) – Dalka Maraykanka waxaa maalmahan ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdiqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) wuxuuna la kulmay Jaaliyadda Soomaalida gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Jubbooyinka iyo xubno ka socda wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka.

Luga-dheere oo ka qeybgalay barnaamijka Martida Makarofoonka ee VOA-da ka baxa ayaa sheegay intii uu joogay dalkan Maraykanka in uu kulamo la yeeshay saraakiil ka socda wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington, iyagoona ka hadlay, wax yaabaha u qabsoomay tan iyo markii maamulkooda la dhisay, xiriirka ka dhexeeya labada dhinac, iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa xusay in dhammaan wax yaabaha ay ka hadleyn saraakiisha Maraykanka in ay ku dhammaadeyn guul is afgarad wanaagsan sidda uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in uu booqday, Seattle, Minneapolis, Virginia iyo Washington DC halkaasna uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Jubbooyinka ka soo jeeda, wuxuuna tilmaamay in uu faah-faahin ka siiyay dedaalada dib u heshiisiinta ee uu wado maamulka KMG ah ee Jubba iyo horumarka ka taagan gobaladaas.

Maxaa ka hirgalay heshiiskii 29-kii August sannadkii hore ka dhacay Addis Ababa?

Mar wax laga weydiiyay sannad kaddib wax yaabaha ka hirgalay heshiiskii iyaga iyo dowladda fedaraalka ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa, ayuu sheegay in labada dhinac xiriirkooda uu wanaagsan yahay.

Wax yaabaha heshiiska ku jiray waxaa ka mid ahaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu dowladda ku wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka muddo lix bil kaddib marka la saxiixay heshiiskaas.

Wuxuu tilmaamay in garoonka iyo dekedda aaney loo dhoofineynin dowladda balse si isku mid ah loo qeybsanayo dhaqaalaha ka soo xarooda labadaas il, wuxuu intaas ku daray in xiriirka labada dhinac uu hadda wanaagsan yahay.

Cabdiqaadir Luga-dheere ayaa ku celceliyay in maamulkooda uu 21-ka bisha soo socota ee September ay ku qaban doonaan magaalada Kismaayo wajiga 3-aad shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka kaasoo ah kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjaraayo khilaafka ka dhexeeya dadka deggan Jubbooyinka.

Siddee ayey ula tacaamulayaan Barre Hiiraale?

Mar wax laga weydiiyay xiriirka ka dhexeeya Barre Hiiraale iyo maamulkooda maadama uu ninkaas isagoo ciidamo wata uu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo.

Wuxuu madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba uu carabka ku adkeeyay in uu Barre Hiiraale ka soo qeybgali doono shirka ka dhacay bisha soo socota magaalada Kismaayo.

Rajada doorasho ka dhacda Somalia 2016.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay marka in uu sannadka yahay 2016 doorasho ay ka dhici karto dalka Soomaaliya oo dhan.

Wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in 2016-ka ay doorasho ka dhici doonto balse ay muhiimada tahay siddii dalka si wadajir ah looga hirgalin lahaa nidaamka fedaraalka isla markaana ay dowladda muujiso in ay la shaqeyso maamulada dalka ka dhisan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com