Xog: Qaar ka mida siyaasiyiintii Hawiye ee u xirnaa DFS oo shurudo adag lagu sii daayey iyo Daaci oo la sheegay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Maxamuud Daahir Faarax (Qooleey) iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Timajilac) ayaa xalay laga sii daayey xabsiga Nabadsugida Gobolka Banaadir ee Godka Jilacoow kadib markii ay xabsigaa ku jireen mudo 7 cisho ah ugu danbeyntiina aqbaleen shuruudo uu Madaxweyne Xasan Sheekh hor dhigay odoyaashii dhaqanka ee ugu tagay sii deysmada siyaasiyiinta loo xiray afkaartooda siyaasadeed.

Ilo ka tirsan nabadsugida Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye qodobo ay kamid yihiin iney odoyaasha dhaqanku damaanad qaadaan in siyaasiyiintaan xiran aysan mardanbe ka hadlin afkaar ka dhan ah Dawladda Soomaaliya. Odoyaasha dhaqanka oo arintaasi ku adkaatay ayaa la tashiyo la lahaa maalmihii lasoo dhaafay Maxaabiista u xirnaa kasoo horjeedida siyaasadda Damujadiid ee u diyaargaroobida doorashada 2016-ka, ilaha qarsoon ee nabadsugida Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiyiintaani aqbaleen in aysan mardanbe uga hadlin idaacadaha Caalamiga iyo kuwa gudaha-ba afkaar ka dhan ah Dawladda Soomaaliya iyo Kooxda Damu Jadiid. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in siyasiyiintaan sidoo kale la faray inaysan ka hadli karin waxyaabihii ay kusoo arkeen Xabsiga Godka Jilacoow intii ay xabsigaa ku jireen.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa isagu diidey inuu aqbalo shuruudaha Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay qaar kamid ah odoyaashii horey loogu qiyaanay usoo gacan gelintii Axmed Daaci Dawladda Soomaaliya sida nabad ah, shuruudaha Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay odoyaasha, ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Daaci joojiyo ka hadalka afkaaraha siyaasadeed ee ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxda Damujadiid, sidoo kalana uu joojiyo isu keenida Gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qodobadaas loo soo bandhigay Axmed Daaci ayaa la sheegayaa in Axmed Daaci ku sheegay inuusan Dawladda Soomaaliya horey mucaarad ugu aheyn haatana qorshihiisu ahayn inuu Mucaarado, balse Dawladda Soomaaliya laga doonayo inay raaligelin ka bixiso weerarkii lagu qaaday gurigiisa, sidoo kalana dawladu magdhaw ka bixiso shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ku soo qaadeen qeybo kamid ah degmada Wadajir.

Shuruudahaan caburinta ah ee lagu qasbayo siyaasiyiinta kasoo horjeeda fikirka Damujadiid ayaa la filayaa in la aqbalsiiyo Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci si looga sii daayo Xabsiga Nabadsugida.

Caasimada@live.com