25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Muungaab oo saakay uu u xiran yahay suuqa ugu weyn Soomaaliya, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in saakay gabi ahaan uu xiran yahay suuqa ugu weyn Soomaaliya kaasoo ah Bakaaro.

Ganacsade ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Caasimada Online in suuqa loo xiray kaddib markii dowladda hoose ay suuqa ku soo rogtay canshuur xad dhaaf ah, taasna ay keentay in ganacsatada suuqa ay xiran mehradahooda.

“Waxaan idiin sheegaya in suuqa Bakaaraha uu saakay xiran yahay, waxaana arrintan ay daba socotaa markii suuqa badeecadaha la soo galiyo ay dowladda hoose ku soo rogtay canshuur 30%, waana canshuur aad xad dhaaf u ah” ayuu yiri ganacsadahaas diidday magaciisa in loo adeegsado warbaahinta.

Waxan weydiinay ganacsadaha waxay ay ku diidan yihiin in ay bixiyaan canshuurta, wuxuu sheegay in aysan diiddaneen canshuur ee markii ugu horreysay ay tahay in canshuur ilaa heerkan ah lagu soo rogo ganacsigooda.

Wuxuu sheegay oo kale in ay xirnaan doonaan goobaha ganacsiga ilaa inta go’aan kale uu ka soo baxayo dowladda Hoose.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn Soomaaliya, waxaana suuqa ku xiran suuqyo badan oo ku yaalla Muqdisho iyo gobalada dalka, sidoo kale waxaa suuqa badeecado looga qaadaan waddamada dariska ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda hoose oo ku aadan cabashada ka soo yeertay ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News