XOG: 4 Qorshe oo ku wajahan 2016-ka oo ay billaabeen Xasan & Damu-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Damu jadiid oo iyadu haatan diyaar garoow ugu jirta sidii ay ugu soo bixi lahaayeen doorashada la qorsheeyey inay dhacdo sanadka 2016-ka ayaa haatan bilaawday qorshayaal ujeedkoodu yahay inay hantaan doorashooyinka 2016, waaba haddii ay dhacaan.

Qorshayaasha Damu-Jadiid waxaa ka mid ah:-

1. In Saxaafada ka dhanka ah afkaarta Damujadiid in la aamusiyo, iyada oo haatan xukuumada la hordhigay hindise sharciyeed dawladda awood u siinaya inay dhisto Gole Saxaafadda Qaranka, golahaas oo uu magacaabayo Wasiirka warfaafinta kana koobnaanaya 5 xubnood oo dawladda ah, 5 xubnood oo saxaafada madax banaan ka xulanayso dawladda iyo 3 xubnood oo Dawladu ka xulanayso bulshada rayidka, Golahaan oo awood u yeelanaya in warbaahin kasta oo aan ku shaqeyneyn fikirka dawladda in ruqsada shaqada lagala noqdo ama marka hore-ba loo diido ruqsada.

2. U diyaar garoobida 2016-ka ee kooxda Damujadiid ayaa ku guuleysatay in 16-ka degmo oo Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Gobolka u dhiibtaan shaqsiyaad iyaga ka tirsan, iyaga oo haatan qorsheynaya in degmooyinka loo dhiso golayaal deegaan oo kooxda ka tirsan.

3. Kooxda Damujadiid iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya in Maamulka Central Soomaaliya ee Mudug iyo Galgaduud Madaxweyne looga dhigo Wasiirkii hore ee Amniga Cabbdikarin Xuseen Guuled, sidoo kalana ay kooxdu qorsheynayso in Damujadiid keensadaan Madaxweyne ku xigeenka Koofur Galbeed, taas oo ka dhigaysa in kooxda Damujadiid isku diyaarinayso in Maamulada ka mid noqonaya federaalka soo doortaan Baarlamaanka soo dooranaya Madaxweynaha Dawladda imaanaysa 2016, iyada oo kooxdu ku tashanayso Gobolka Banaadir, Maamulka Central Somalia, Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo qeyb kamid ah maamulka koofur galbeed.

4. Kooxda Damujadiid oo hadda ku guuleysatay inay si sharcidaro ah Xilka uga tuuraan Xeer ilaaliyihii hore Dr Abdulkadir Mohamed Muuse, kuna magacaabeen Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka..iyaga oo haatana qorsheynaya in si sharci daro ah xukunka uga ridaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare Avv. Caydiid Ilkaxanaf, iyadoo haatan kooxdu baadi goob ugu jirta cidii ay ka dhigan lahaayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

La wareegida hay’adaha garsoorka dalka ayaa kooxda u fududeynaya inay ka caburiyaan saxaafada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ahba, iyo wax ka baddalka dastuurka, sida haatanba laga arko dhaqanka Xeer ilaaliyaha Cusub ee Kooxda Damujadiid keensatay.

Isku soo duube waxaa muuqanaysa in kooxda Damujadiiid ka faaiideysanayso rabitaanka beesha caalamka oo aad u danaynaya in la dhameystiro Maamulada KMG ah ee kamid noqonaya Federalka Soomaaliya iyaga oo arintaas ku dhex samaysanaya inay maamuladaa u dhiibtaan dad iyaga ku fikir ah, caburiyaan saxaafada , u dhiibtaan ilaha dhaqaalaha dalka ganacsato iyaga ay wataan, kana taqalusaan siyaasiyiinta aan ku fikirka aheyn kooxda damujadiid.

Caasimada@live.com