Bariga Dhexe oo dagaal qarka u saaran kadib war ka soo baxay Iran iyo Xizbullah

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa ku hanjabtay “aargudasho darran”, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhasha dilka mid ka mid ahaa taliyayaasheedii sare, Jeneral Qasem Soleimani.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa xaqiijiyey in Soleimani oo hogaaminayey ciidamada xulka ah ee Quds, lagu dilay duqeyn Mareykanka ay ka fuliyeen agagaarka garoonka diyaaradaha Baghdad, Khamiistii.

“Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee waxay ku dhowaaqayaan in Qasem Soleimani uu ku shahiiday duqeyn ay Mareykanka fuliyeen” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.”

Dhinaca kale, hoggaamiyaha kooxda Tehran ay taageerto ee dalka Lubnaan ee Xizbullah ayaa maanta ku baaqay in loo aargudo dilka Qasem Soleimani.

“In la fuliyo ciqaabta ku habbon dambiilayaashan wax khaarijiyey, waxay noqon doontaa mas’uuliyadda dhammaan dagaal-yahanada wax iska caabinta ee caalamka.” Ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Hassan Nasrallah.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Jeneral Qassem Soleimani lagu dilay weerar dhacay goor dambe oo khamiistii ah kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.

Waxay weerarka ku qeexday “tallaabo lagu difaacayey danaha Mareykanka ee dibedda.”

“Jeneral Soleimani wuxuu waday qorshe lagu weerarayo diblomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee Iraq iyo gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Pentagon-ka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Duqeyntan waxaa looga dan lahaa in lagu joojiyo weerarka Iran ay qorsheyneysay. Dowladda Mareykanka waxay sii wadi doontaa inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah oo ay ku ilaalineyso dadkeeda iyo danaheeda.”

Wasaaradda difaaca Mareykanka ma aysan bixin faah-faahin ku saabsan duqeynta, hase yeeshee saraakiisha Iraq ayaa sheegay in gantaal lagu weeraray kolonyo baabuur ah oo ku safrayey agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baghdad.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay Abu Mahdi al-Muhandis oo ahaa taliye ku-xigeenka maleeshiyada Iran ay taageerto ee al-Xashd al-Shacbi ee dalka Iraq.

VOA + AFP