Liiska xildhibaanada haray ee maamulka GALMUDUG oo maanta la shaacinayo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo liiska 69 xildhibaan ee ka haray baarlamaanka maamulkaasi.

Guddiga ayaa horay u shaaciyey liiska 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna Waljamaaca laga siiyey baarlamaanka cusub,  kadib markii laga heshiiyey tabashada beelaha qaar.

Haddii lagu dhawaaqo xildhibaanada haray ayaa waxa ay guda geli doonaan howlaha doorashada, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha intaba.

Sidoo kale arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka hor yimid dadaallada ay dowladdu ka wado maamulkaasi.

Xaaf ayaa ku dhaaqay guddi cusub oo doorasho, kaas oo ka kooban illaa 11 xubnood, kana shaqeyn doono arrimaha doorashada.

Tani ayaa horseedeysa xiisad hor leh iyo inay saameyso dadaallada loogu jiro maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan gobollada Galmudug iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Xaaladda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed, kaas oo aan weli dhinac u dhicin, balse dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan wada dadaalladii ugu dambeeyey ee dhismaha maamulkaasi.