Gudiga dhismaha Galmudug oo ku dhawaaqay liiska 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Gudigga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Liiska 20 Xildhibaan kuwaas dhowaan oo ay soo Gudbiyeen madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Guddiga Farsamada maamul u dhisidda Galmudug ayaa aqbalay liiska xildhibaanada ugu horeeya ee Galmudug oo ay soo gudbiyeen Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Sidoo kale guddiga farsamada iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in ay haatan guda geli doonaan soo xulista tirada ka harsan baarlamanka cusub ee Galmudug.

halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Guddiga iyo liiska Xildhibaanada