Barkhad Batuun: Ma dagaal baa ka dhacaya S/LAND?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo u warramay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan xiisadda u dhexeyso madaxweynaha iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee maamulkaasi.

Barkhad Batuun ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd, islamarkaana loo baahan yahay in la bad-baadiyo mustaqbalkeeda.

“Waa xaaladdii ugu cakirneyd ee gasho Somaliland, kuma talinayo inay faraha ka baxdo nabad-gelyada Somaliland,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Xildhibaanka ayaa xusay in xittaa khilaafkan siyaasadeed uu saameeyey dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha guud ahaan dadka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyey sida ay arrintu ku socoto marka la fiiriyo hubanti la’aan ka jirta Somaliland iyo hadallada kul-kulul ee ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

Barkhad Batuun ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qof kasta, gaar ahaan ardayda  ay is weydiinayaan meesha ay ku dambeyn doono xaaladda iyo inuu dagaal ka dhacayo dalka.

“Waxaa qalbigu i xanuunaa marka ardeyda dariiqyada mareysa ee iskuulada tagaya barkood ay ku weydiinayaan adeer ma dagaal baa ka dhacaya Somaliland” ayuu yiri

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray mucaaradka iyo xukuumadda, isaga oo ka dalbaday inay u turaan shacabka, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda taagan.

Si kastaba, Somaliland waxaa ka jira xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo iska diiday muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey madaxweyne Biixi, iyaga oo shaaciyey inay qabsan doonaan doorasho xor iyo xalaal ah.