Baro Toban ciyaaryahan oo Brazil ah oo ay ku dagaalamayaan kooxaha Yurub (Top Ten)

Da’yarka kasoo jeeda dalka Brazil ayaa aalaaba waxaa si aad ah u baacsada kooxaha waa weyn ee ka dhisan Qaarada Yurub waxaan qormadaan idinkugu soo gudbineynaa 10 ciyaaryahan oo ay macquul tahay in sida  ugu dhaqsaha badan ay kooxahoodu ku waayaan kuwaas oo si aad ah looga doonayo Yurub marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

1. Neymar – Santos

Xidigaan da’yarka ah ayaa qeyb libaax ka ciyaaray wayaadii dambe guulaha ay gaareyso kooxdiisa Santos waxaana xiiseynaya kooxaha ugu tunka weyn Yurub, wuxuu kooxdiisa ku hugaamiyey guusheedii Horyaalnimada LIbertadores isagoona ku guuleystay abaal marinta FIFA goal of the year. Wuxuu kooxdiisa u dhaliyey 36 gool 57 kulan oo uu u saftay labadii sano ee lasoo dhaafay isagoona xulkiisa u dhaliyey 13 gool 23 kulan oo uu u ciyaaray.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u dhaqaaqo: Manchester United, Barcelona, Real Madrid ama Chelsea.

 

2. Leandro Damião – Internacional

 

Wuxuu labadii sano ee lasoo dhaafay bandhig cajiib ah ka sameynaayey weerarka oo uu xidigaani si aad ah ugu wanaagsan yahay, 23 jirkaan ayaana magaciisa ku xardhay 18 gool 36 kulan oo uu ciyaaray sanadii hore marka lagu daro goolashiisa Horyaalka iyo Libertadores. Wuxuuna kor usii qaaday sanadkaan isagoo celcelis ahaan dhaliyey kulankiiba hal gool, halka uu xulkiisa 13 gool u dhaliyey 22 kulan oo uu u saftay.

Waxaa la rumeysan yahay inaysan kooxdiisu 20 milyan oo ginni wax ka yar ku iibin doonin.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu ku biiro: Juventus, Arsenal ama Tottenham.

 

3. Paulo Henrique Ganso – São Paulo

Ganso ayaa dhowaan Santos kaga biiray kooxda ay xafiiltamaan ee São Paulo iyadoo loo maleynaayey inuu u dhaqaaqo Yurub labadii sano ee lasoo dhaafay ma aysan noqon mid dhacda.

Si kastaba, ma u muuqdo in weli ay ka quusteen kooxaha Yurub waxaana dhowaan ay u dirayeen wakiilo soo daawada.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u dhaqaaqo: Tottenham Hotspur ama Barcelona.

 

 

4. Dedé – Vasco

Waa daafac dhexe oo qaab ciyaareedkiisu soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah, Dedé oo jir ahaan xoogan ayaa booskiisa labadii sano ee u dambeysay ka muujinaayey wax yaabo mucjisa leh waxayna taageerayaasha kooxdiisu ugu yeeraan ‘O Mito’ oo loola jeedo (Halyeeyga).

Milan iyo Manchester City ayaa lasoo werinayaa inay u direen dalabyo ka bilaabanaya 12-20 milyan oo euro intii lagu jiray xagaaga laakiin Vasco ayaa ka biyo diiday waxaana loo maleynayaa inaysan Janaayo sii ceshan doonin gaar ahaan hadii ay Vasco lumiso booskeeda Libertadores.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u hamaayo: AC Milan ama Manchester United.

 

5. Paulinho – Corinthians

Xidigaan sida aadka ah loogu qiimeeyo burburiyaha ayaa awoodiisa banaanka soo dhigay iyadoo uu 24 jirkaani leeyahay awood uu ku ordo box-to-box waxaana looga gacan haatinayaa Yurub.

Paulinho wuxuu diirada u saarnaa kooxaha ka ciyaara Serie A  Roma iyo Inter iyagoo dalabyo u diray sanadihii tegay. Corinthians ayaana diiday inay lumiso xidigeeda iyadoo ka saxiixatay heshiis sedax sano ah, si kastaba, wuxuu bandhigiisa kor usii qaaday 12kii bilood ee lasoo dhaafay isagoo dhaliyey 8 gool 35 kulan oo uu kooxdiisa u saftay

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u hayaamo: Inter Milan, Arsenal ama Chelsea.

 

6. Bernard – Atlético Mineiro

Wuxuu inta badan xilli ciyaareedkaan la ciyaaray waaya aragii kooxda Barcelona kuna can baxay gambisyada quruxda badan Ronaldinho. Bernard ayaana bandhigiisa la yaabka leh ee uu kusoo jiitay shacbiyada faraha badan ku guuleystay sanadkaan, wuxuuna dhaliyey 8 gool halka uu 8 kale caawiye ka ahaa.

Waxaana markiisii ugu horeysay loogu yeeray xulka Brazil kulankii ay la ciyaareen Argentina.

Halkee ayuu ku wajahan yahay: Atletico ayaaba horay u shaacisay inay heshay dalab 11 milyan oo ginni ah oo uga yimid kooxaha Yurub kuwaas oo doonaya xidiga garabka ka ciyaara.

 

7. Fernando – Gremio

Xidigaan ayaa loogu yeeray xulka Brazil ciyaartii Argentina waxaana uu dhaawac ku seegay kulankii saaxiibtinimo ee Iraq. Hada oo uu 20 jirsaday, xidigaan ayaa lagu qiimeeyaa baasaska qurxoon.

Halkee ayuu ku jaheysan yahay: kooxaha Yurub ka dhisan ayaa bilaabay inay isha la raacaan bilihii u dambeeyey, waxaana laga yaabaa inayba u diyaar garoobeen dalab ay u diraan.

 

 

8. Wellington Nem – Fluminense

Nem ayaa kubad caalami ah ciyaaray ka dib markii uu sanad amaah kula soo joogay Figueirense wuxuuna Santa Catarina ka u dhaliyey 9 gool, halka uu caawiye ka ahaa 6 gool 25 kulan oo uu saftay iyagoo ku dhameystay kaalinta todobaad. Xilli ay Fluminense sagaal dhibcood ka sareysay horyalnimdana xaqiijisay iyadoo ay sagaal ciyaar harsan tahay.

Waxaa lagu niinaasaa ‘Brazilian Messi’ oo loola jeedo [Messi-ga dalka Brazil] sedax jeer ayuuna u yeeray tababaraha xulka Brazil Mano Menezes.

Halkee ayuu ku wajahan yahay : Waxaa jira warar sheegaya inay xiiso weyn u qabto Juventus waxaana sidoo kale xidiga garabka ka ciyaara baadi goob ugu jirta CSKA Moscow oo u soo diray dalab rasmi ah laakiin kooxda iyo ciyaaryahanka ayaaba diiday dalabkaas.

 

9. Elkeson – Botafogo

Ciyaaryahanka kasoo baxay akadeemikada Vitória ayaa bedelay qaab ciyaareedkiisii 2011, isagoo Botafogo ku hugaamiyey inay ku dhameysato kala barka horyaalka xilli uu 8 gool dhaliyey 35 kulan oo uu ciyaaray xidiga lagu niinaaso ‘Superclassico’ ayaana loogu yeeray kulankii xulkiisu uu la ciyaaray Argentina.

Halkee ayuu ku wajahan yahay : Xiiso sare ayaa loo muujinaayey xilli ay sanadii lasoo dhaafay Botafogo iska diiday laba dalab oo uga yimid kooxaha ciyaara Italian Serie A Shakhtar Donetsk oo Ukraine ah iyo kooxda Kashiwa Reysol ee ka dhisan Japan.

 

10. Rafael Cabral – Santos

Rafael Cabral waxaa aalaaba lagu daraa xidigaha tayada leh ee usoo baxaya xulka Brazil, goolhayaha Santos ayaana bandhigiisa kor usii qaaday 18kii bilood ee lasoo dhaafay, bandhigaas ayaa keenay in tababaraha xulka Brazil Mano Menezes uu u doorto gool ilaaliyaha NO. koowaad ee ciyaarihii Olimbikada London laakiin dhaawac ayaa soo gaaray nasiib darro taasoo keentay in xulka laga reebo

Halkee ayuu ku wajahan yahay : 22 jirkaan ayaa dhowaanahaan lala xiriirinaayey kooxda Talyaniga ee Palermo iyo kooxda ka dhisan Spain ee Sevilla laakiin Santos ayaan dooneyn inay da’yarkaan goolka qabta si dheel ah ku dirin.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.