Barre Hiiraale oo loogu baaqay inuu ka qeybgalo shirka ka socda KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Hilowle Aadan oo ka mid ahaa dadkii aas-aasay maamulka kumeel gaarka ee Jubba, ayaa ugu baaqay Barre Aadan Shire in uu ka qeybgalo shirka maalintii labaad ka socda Kismaayo.

Isagoo ku sugan Kismaayo ayuu sheegay Barre Hiiraale in looga baahan yahay in uu ka qeybgalo shirka si loo gaaro nabad iyo xasilloni ka islaaxda Jubbooyinka.

Mar uu ka hadlaayay maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo sida loo qeybsaday, wuxuu tilmamaay in 185 xubnood laga soo xulay Jubbada Hoose, halka 145 laga soo xulay Jubbada Dhexe iyo Gedo oo laga keenay 165.

Marka sidaas ayaa loo qeybsaday ayuu yiri maamulka Jubba.

“Anniga tan iyo markii aan dhashtay waxaan maqlaayay Barre Hiiraale ayaa wax diidan marka arrintaas looma baahno ee waa in uu ku biiraa shirka” ayuu yiri Hilowle Aadan.

Siyaasigan ayuu sheegay in xilliga uusan wax xil ah ka heynin balse uu aad u jecel yahay maamul loo dhan yahay oo loo dhiso dadka deggan Jubbooyinka.

Ugu dambeen waxa uu tilmaamay in Barre Hiiraale haddii uu diido ka qeybgalka shirka in uusan u hakan doonin oo horrey loo sii socon doono.

Hadalka Hilowle Aadan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii labaad Kismaayo uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com