Maxaa ka taqaanaa WASIIRADA aan ku shaqeyn wasaaradaha loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa mudooyinkaani soo kordhaaya Wasiirada aan sida saxda ah ugu shaqeyn Wasaaradaha loo magacaabay, kadib markii ay faraha kasii baxday Faragalinta ay Mudanayaasha Mab’da ahaan aaminsan Dam-Jadiid ku sameynayaan Xafiisyada aan iyaga Khuseen.

Wasiirada qaar ayaa ka cabanaaya Faragalin adag oo lagu haayo, taasi oo xiliyada qaar sababta inaysan ka hadli Karin.

Wasiirada ka cabanaaya Faragalinta ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llahi Goodax Barre oo dhowr jeer Warbaahinta maxaliga ka sheegay in Xafiiskiisa uusan u madax banaaneyn, islamarkaana uusan si rasmi ah ula socon qaabka loo magacaabay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii lagu cadaadiyay inuu fududeeyo wax waliba oo sahli kara Arimaha Ururka.

Goodax ayaa dharaar Cad warbaahinta ka sheegay in Xafiiskiisa uusan la socon qaabka uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u dhisay Maamulada Degmooyinka, waxa uuna Tilmaamay in lala baal-maray sharciga.

Haddaba sidoo kale, waxaa jira Wasiiro badan oo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo aan laheyn Xafiisyo ay ku qabtan Howlaha Wasaarada loogu tallo galay, halka qaarna aysanba ka warheyn halka ay Howshu mareyso, kadib markii ay ka awood badatay Siyaasadaha Xarakooyinka ku saleysan waxaana Wasiirada Magac u yaalka kamid ah:-

1-Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre/ Hawiye/Xawaadle, Agoon/Ciise Jibriil

2-Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane/Daarood/Ogaadeen/Cowlyahan

3-Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar/Daarood/Dhubahante.

4-Wasiirka gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud/Digil iyo Mirifle/Jilible.

5-Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Badda Yuusuf Cali Aamiin/Digil iyo Mirifle/Leysaan

6-Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Aadan Maxamed Nuur {Saransoor}

7-Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Luqmaan Sheekh Ismaaciil/Beesha shanaad/Jareerweyne

Wasiiradaani ayaa badi la socon dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed iyo halka ay DF howlaha marsiineyso waxaana xusid mudan in Wasaaradaha ay maamulanayaan Dam-Jadiid ay u badan yihiin kuwa Kheyraadka iyo Ammaanka ku howlan.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale, Cabanaaya Aggaasimayaasha Wasaaradaha iyo Shaqaalaha hoose oo aan iyaguna dhag jalaq loo siin, iyadoona ay xiliyada qaar qalqiil la galsho Mushaarkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com