Xog: Gandi oo laga soo sheegayo arrin lid ku ah Jiritaanka DF SOOMAALIYA

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Siyaasiyiin ka ag dhow Prof. Mohamed Abdi Xaji Mohamed (Prof. Gaandi) ayaa inoo xaqiijiyay in Gaandi uu Xiligaani gacanta kula jiro Siyaasado kasoo horjeeda Dowlada Federaalka Somalia oo loogu hiilinaayo Dowlada Ethiopia.

Sida aan xogtu ku heleyno Gaandi ayaa wada Qorsho Deegaanada Jubba looga hirgalin lahaa Maamul Siyaasad iyo Militeri ahaanba hoostaga Dowlada Dalka Ethiopia, waxaana la Tilmaamayaa in arrintaasi ay kala shaqeynayaan Ambasador Afey, Axmed Madoobe iyo Xubno uu kamid yahay Gen Gebra oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Gen Gebra iyo Saraakiil ku xeel-dheer Istiraatiijiyada, ayaa iyana wada Qorsho lagu qiimeynaayo Arrimaha uu ku howlan yahay Gaandi oo ka socda Kismaayo.

Prof Gaandi oo isagu xiriir dhow la leh Dowlada Ethiopia, ayaa waxaa la sheegayaa in Arrintaani uu isaga Mas’uul ka yahay islamarkaana loo xil saaray xalinteeda, halka Mas’uuliyiin kale oo caawisa la hoos geeyay.

Xiriirka Gaandi iyo Ethiopia, ayaa bilowday xiligii uu ahaa Wasiirka Difaaca ee DFMG, waxaana la rumeysan yahay in arrintaani ay la socdaan shaqsiyaad ay kamid yihiin Yuusuf Garaad oo Asxaab dhow la ah Gaandi, islamarkaana ay in badan isla jabhadeeyen.

Lama Oga Siyaasadaha lidka ku ah Dowlada Federaalka ee uu la daal-dhacaayo Prof Gaandi, halka uu noqon doono biyo dhiciisa, inkastoo Dowlada Xassan iyaba lagu xanto in xiligaani ay la jaan-qaado Dowlada Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com