BF Soomaaliya oo shirka Kismaayo ka furmay ku tilmaamay sharci darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga ammaanka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaamay shirka shalay ka  furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada.

Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in dhammaan maamulada hadda laga dhisaayo dalka ay yihiin kuwa sharci darro ah oo aan waa faqsaneen sharciga dalka sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay haddii la dhisaayo maamul gobaleed in loo baahan yahay in gobal kasta uu isaga ergo u dirsado gobalka oo la midoobayo si uu maamul gobaleed u sameesto.

Wuxuu sheegay oo kale in maamulada la dhisaayo ay u egyihiin kuwa dano gaar ah laga lee yahay in kastoo uusan faah-faahin dannaha laga lee yahay.

Ugu dambeen guddoomiye ku xigeenka guddiga ammaanka baarlamaanka ayaa ku taliyay haddii la rabo in la sameeyo maamul gobaleed in loo madax baneeyo dadka deggan goballada maamulka loo yagleelayo.

Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka kumeel gaarka ee Jubba uu ku dhawaaqay in magaalada Kismaayo uu ka furmaay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gedo.

Shirkaas waxaa kaloo qaadacay Barre Hiiraale oo dhawaan qaatay in uu la heshiiyo Axmed iyo xildhibanno ka soo jeeda gobalka Gedo oo shaley shir ku yeeshay Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimad@live.com