Askari aad u careysan oo arrin kedis iyo mucjiso ah kula dhaqmay reerkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoys Maraykan ah oo safar ku joogay dalka Kenya ayaa waxaa safarkooda ka kharibay Askari ka tirsan Boliska Kenya, kaasi oo Reerka kula dhaqmay arrin kedis iyo mucjiso ku noqotay.

Askariga waxa uu si qaldan u qabtay gabar 15-jir oo la socotay waalidkeda, isagoo u qaatay inay tahay gabadha lagu magacaabo Samantha Lewthwaite ee u dhalatay dalka Britain, taasi oo lala xiriirinayo Kooxaha Argagixisadda.

Hadal ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in fasixii gabadha yar uu ka kharibay Askari ku sugan deegaanka Mlolongo ee duleedka magaalladda Nairobi, isagoo ku eedeeyey inay u muuqaal eg tahay Haweeneyda Britishka ee Samantha Lewthwaite ee loo baadi-goobayey falal argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa lagu sheegay inay Dowladda Kenya bixin doonto Kharajka guud ee dalxiiska qoyska u dhashay Maraykanka, isla markaana ay Boliska baari doonaan dhacdada xadgudubka ee lagu sameeyey.

Samantha Lewthwaite, oo 30-jir waxay oori u ahayd Nin la oran jirey Germaine Lidsay, kaasi oo ka mid ahaa afar nin oo isku qarxiyey magaalladda London bishii July 7-dii ee sannadkii 2005-tii.

Waxaana qaraxaasi lagu dilay 52-qof.

Haweeneyda Britishka ee lagu naanayso Carmalladda Cad, waxay iyadoo yar ku soo biirtay Diinta Islaamka, waxaa lagu eedeeyaa inay ku lug lahayd weerarkii sannadkii hore lagu qaaday Xarumaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi, laguna dilay ugu yaraan 67-qof.

Boliska Kenya weli ma xaqiijin halka ay ku dambaysat tan iyo sannadkii 2011-kii oo la sheegay inay booqasho ku timid magaalladda Mombasa, iyadoo adeegsanayso Baasaboor South African oo la been abuuray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com