Xasan oo abtigiisii dhawaan xilka laga qaaday u watay safarkii Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Wafdiga la socday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ee gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa kamid ahaa Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sanbaloolshe oo dhawaan xilka laga qaaday.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho uga tagay xubno DF muhiim u ahaa inay ka qeybgalaan shirka ka furmay Kismaayo, isagoona Kismaayo u ka xeystay Xubno aan xiligaani Dowlada u heyn wax xil ah, halka qaarna ay goor dhow waayen xilkooda.

Xassan Yusuf oo kamid ah Odayaasha Kismaayo, ayaa sheegay in Xassan sheikh uu Kismaayo la imaaday dhalinyaro aan ka tirsaneyn DF, halkii ay ka sugayeen inuu Kismaayo la imaado Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowlada oo ay Khuseyso arrimaha shirka Kismaayo.

‘’Xassan sheikh waxa uu kasoo tagay Mas’uuliyiintii la soctay halka uu maraayay shirka iyo kuwii ka shaqeynaayay isku soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo Barre, waxa uu horay noogu keenay dhalinyaro iyaguba xajisan waayay xilkii loo magacaabay waxaana kamid ahaa Aggaasimaha Nabadsugida, sidaa darted waxan ka codsaneynaa in goorta la xiraayo shirka uu noo soo diro wafdi aan wax ka faa’iideysan karno’’

C/llahi Sanbaloolshe oo abti u ah Madaxweyne Xassan Sheekh oo xilka laga qaaday, ayaa waxa uu weli u muuqanayaa mid ka dabqaadanaayo Madaxweynaha islamarkaana aan dhag jalaq usiin xil ka qaadista.

Dhanka kale taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka qaranka Cabdulaahi sambaloolshe oo kamid ahaa wafdiga madaxweynaha ayaa umuuqda nin shaqadiisi wali sii wata oo aysan saameynin xil ka qaadistii.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com