Col. BARRE HIIRAALE oo shuruud adag soo bandhigay & warar sheegaya in…

Kismaayo (Caasimada Online) – Garabka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ee la dagaalanka kula jira Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan shirweynaha beelaha Jubbooyinka loogu qabanaayo Magaalada Kismaayo. Haddii uu shirkaasi yahay mid waafaqsan heshiiskii Magaalada Addis Ababa.

C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Xubnaha taabacsan Barre Hiiraale, ayaa ku waramaayo ka qaybgalka shirkaasi inay diyaar u yihiin, balse shuruuda jirta ay tahay in hadii shirka uu daba socdo kii Addis Ababa ay ka qaybgalayaan, balse hadii uu yahay mid u gaar ah Axmed Madoobe iyo maamulkiisa aysanba suuragal aheyn inay marnaba ka qaybgalaan.

Xubnaha Barre Hiiraale, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka shaqeynta nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan Jubbooyinka, balse aysan diyaar u aheyn sida ay hadalka ku sheegeen inay ka qaybgalaan Shir Axmed Madoobe uu qabanaayo.

“Anaga Shir Axmed Madoobe noo qaban maayo, xalka Jubbooyinka diyaar baan u nahay waan ka qaybqaadanaynaa, laakiin shirka hadii uu yahay mid la xiriira kii Addis Ababa diyaar baan u nahay ka qaybgalkiisa”Ayuu yiri C/rashiid Macalin Gaas oo la hadlay Idaacada Kulmiye.

21-Bishan soo socota ayaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Dib uheshiisiinta Beelaha Jubbooyinka, waxaana hada Kismaayo ka socota qaban qaabada shirkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Dib uheshiisiinta Beelaha Jubbooyinka Cabdi Baaleey, ayaa ugu baaqay Garabka Barre Hiiraale ka qaybgalka shirkaasi, iyaga oo qiimeynaya nabadda iyo horumarka Jubbooyinka.

Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa waxa ay ku sugan yihiin deegaanka Goobweyn oo ah duleedka Magaalada Kismaayo.

Isha: Dhacdo.com