25.9 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Turkiga iyo Somalia oo maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday ANKARA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada online) – Magaalada Ankara waxaa maanta oo Talaado heshiis ku kala saxiixday wasiirka gaashandhigga Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo dhiggiisa dalkaas, waxaana heshiiskooda uu ku qotamaa siddii Turkiga uu door uga qaadan lahaa dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonto dhismaha ciidanka Soomaaliya, sidaas waxaa saxaafadda u sheegay sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Turkiga oo ah dowladda ugu awooda badan bariga dhexe ayaa horey heshiisyo ula gaartay Soomaaliya, waxaa kaloo mashaariic samafal ay ka wadaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed iyo tii ka horreysay ee Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa horrey heshiisyo ula saxiixday dowladda Turkiga.

Sidda ay aaminsan yihiin dad badan oo la socda arrimaha, xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeesan doona maadama uu hadda dalkaa madaxweyne ka noqday ra’iisal wasaarihii hore Rajib Dayid Erdugan oo booqasho taarikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho seddax sanno ka hor.

Erdugan ayaa beesha caalamka u muujiyay inay Soomaaliya tahay weli waddan caalamka ka dhisan oo aan la doobi karin.

Sidoo kale Turkiga wuxuu deeqo waxbarasho u fidiyay arday Soomaali ah kuwaasoo wax ka bartay Jaamacadaha iyo iskuuladda dalkaas ku yaalla.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News