Maxaa ka soo baxay kullan 3 geesood ahaa oo Kismaayo ka dhacay maanta?

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta Arbaca ah kulan seddax geesood ah oo ay yeesheen wafdi ka socda dowladda fedaraalka ah, saraakiil IGAD ka tirsan iyo mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa ahaa mid albaabada uu u xiran yahay, waxaana dhinaca dowladda fedaraalka ka joogay wasiiro ay ka mid yihiin Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka iyo wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa wakiilka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdi Affeey iyo wakiilka IGAD ee Itoobiya Jeneraal Gabra, sidda uu ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Kulanka oo saxaafadda loo diiday in ay goob ka noqto ayaa la sheegay in looga hadlay si rasmi ah loogu aqoonsan lahaa maamulka Axmed Madoobe isla markaana la dhammeestiri lahaa maamulkaas.

Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkooda oo ictiraaf ka helay dowladda fedaraalka iyo beesha caalamka uu mardhow dhoqon doono maamul rasmi ah isla markaana uu ka baxayo maamul KMG ah.

Wuxuu sheegay oo kale in wafdiga gaaray Kismaayo ay hordhac u yihiin wafdi kale oo ka socda dowladda iyo urur gobaleedka IGAD kuwaasoo ka qeybgali doona wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka kaasoo loo qoondeeyay in uu dhaco 21-bisha na soo aadan.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in kulanka looga hadlaayo wax yaabihii ka hirgalay heshiiskii bishii hore ee August sannadkii hore ay ku yeesheen dowladda fedaraalka iyo maamulka Kmg ah ee Jubba.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyya, waxaana laga soo billaabo garoonka diyaaradaha ilaa xarunta madaxtooyada ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba.

Jeneraal Gabra iyo danjire Affeey ayaa dhowr mar horrey u tagay Kismaayo, waxaana ay ka mid ah dadka la dhacsan maamulka Axmed Madoobe.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu cadaadinaayo in ay aqoonsato maamulka KMG ah ee Jubba oo markii hore si iskiis ah isku magacaabay dagaalna la galay hoggaamiyaal kooxeed ka dhisnaa Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com