Xog ku soo korartay toogashadii dalka JABUUTI iyo isku daygii dil ee GEELLE

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa faaf-faahin ka bixisay toogasho ka dhacday garoonka diyaaradaha Jabuuti xilli uu ka soo dagayay garoonka madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

War qoraal ah oo laga sii daayay Talafishanka dowladda Jabuuti ayaa lagu yiri, mid ka mid ah ciidamada jamhuuriga ee ilaaliya madaxweynaha ayaa si kama’ ah ay uga fakatay rasaas taasoo keentay in ay ku dhaawacmaan labo askari oo uu ku jirro takhtarkii gaarka ahaa ciidamada madaxtooyada Korneel Idiris.

Waxaa kaloo warka qoraalka lagu beeniyay markii uu shilka dhacayay in uusan madaxweynaha iyo wafdigii wasiiradda ee soo dhaweeyay aaney joogin garoonka.

Sidoo kale ciidanka Jamhuurigu waxay lee yihiin waxaa la xiray askariga falkaas geestay waxaana socda baaritaan lagu ogaanay sababta keentay shilkaas.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii uu ka soo dagayay garoonka diyaaradaha ka soo laabtay shirkii madaxda IGAD ee ka dhacay Addis Ababa, waxaana la sheegay in uu si nabad galyo leh uu ku tagay gurrigiisa oo ku yaalla deeganka Haramuud ee caasimada Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa ka gaabsatay sida ay wax u dhaceyn waxaana ay warkeeda ku soo koobtay in ay socdaan baaritaan.

Dhinaca kale, waxaa xaaladooda ay soo hagaageysaa labo askari oo ku dhaawacmay rasaasta ka fakatay askariga oo uu ku jirro takhtarkii gaarka ahaa ee ciidanka ilaaliya madaxweynahah Jabuuti ee Jamhuuriga.

Dadweynaha reer Jabuuti ayaa arrintaas aad uga xumaaday iyagoona si weyn u canaantay askariga rasaasta ku furay garoonka diyaaradaha Jabuuti, maadama aaney weligood maqlin rasaas sidaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee dalka Jabuuti.

Waa markii ugu horreysay oo dalka Jabuuti uu askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha Jabuuti uu rasaas ku furo garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ugu nabdoon ee geeska Afrika.

Caasimada Online                                 

Xafiiska Wararka Djibouti

Caasimada@live.com