Madaxweynaha Shabeelle State oo ka cabanaya in caalamka uu uga hiiliyey…

Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka Shabeelle State, Abuukar Mardaadi ayaa sheegay in qolada beesha caalamka la baxday aaney dan iyo maslaxad u heynin Soomaaliya, wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu horeeya ee Soomaaliya ay ka dhaaqi la’dahay.

Abuukar Mardaadi oo u warramay Idaacad Maxalli ah oo Muqdisho ku taalla ayaa sheegay in maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed laga lee yahay dano gaar ah oo beesha caalamka ayaa gadaal ka riixeysa ayuu yiri.

“Maamulkan seddaxda gobal waxaa taageeraya beesha caalamka oo dan ayey ka lee yihiin” ayuu yiri Abuukar Mardaadi.

Wuxuu sheegay oo kale wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii in beesha caalamka ay lugaha kula jirtay danaha Soomaaliya, dhinac siyaasad, dhaqaale iyo danba sidda uu yiri.

Mar uu ka hadlaayay sababta uu u socon la’yahay maamulkiisa wuxuu tilmaamay in beesha caalamka aaney doneynin waxa ay doonayaan shacabka ku nool gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu kaloo sheegay in seddaxda gobal ee maamulka loo sameenaayo aaney dadka deggan isla howgalli karin maadama ay ka fog yihiin, wuxuuna beesha caalamka iyo dowladda ugu baaqay in ay oggolaadaan wax yaabaha ay doonayaan shacabka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose.

Maamulka Shabeelle State oo bishii March looga dhawaaqay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa weli heli ictiraaf dhinaca dowladda ah iyo beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com