Barre Hiiraale oo si cajiiba uga hadlay “Daan-daansiga AXMED MADOOBE”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor ay Ciidamada Axmed Madoobe weerar culus ku qaaden Deegaanka Goobweyn ee dulleedka Magaalada kismaayo, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Col. Barre Hiiraale.

Col. Barre hiiraale oo ka jawaabaya duullaanka lagu qaaday Ciidamadiisa, ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay tahay mid lagu jabinaayo Heshiiskii ay wada gaaren Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay inay fariin u direen beesha caalmka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya ayna sugayaan inay jawaab ka helaan.

”Duullaanka goobweyn uu ku qaaday Axmed madoobe jawaab kama bixin, arrintaasi waxan u gudbinay Beesha caalamka iyo DF, haddii aan ka weyno war cad, arinku waxa uu noqonayaa cadgoosi iyo iska dhicin”

Col. Barre hiiraale waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray ”Waxan iska ilaalineynay inaan jabino qodobadii aan ku wada heshiinay Axmed madoobe, balse hadda iyaga ayaa ka baxay anaguna sida ay uga baxeen ayan uga baxeynaa waa inoo dagaal”

Wuxuu sheegay dagaalka Axmed Madoobe uu ku qaaday goobweyn inuu yahay mid ka hor imaanaya heshiiskii horay loo gaaray, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiskii toos ay u jabiyeen qolada uu hogaamiyaha Axmed Islaam, iyaguna ay ka bixinayaan mid kaas lamid ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com