11 su’aal oo ka dhashay socdaalkii uu R/W Cabdi Weli Sh. ku tagay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed wuxuu ku magacaaban yahay ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Masuuliyadaas markii aad maqasho waxaa kugu soo dhacaysa Dawlad Federaal ah oo Maamulo ka kooban, hogaamiye metela, balse arinta Soomaaliya waa ka duwan tahay taasi. Xadgudub-ka iyo qiyaamada ugu daran Soomaaliya waxaa ku haya Masuuliyiinta DF Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada, Xildhibaanada. Masuuliyiintaani waxay ay u eg tahay in aysan-ba fahansaneyn Dawladnimada iyo Masuuliyada ay sheeganayaan.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli wuxuu booqday Maamul sheegta inuu kamid yahay Federaalka Somalia, Maamulkaas waa Puntland. ra’iisul wasaare Cabdi Weli waxaa loo soo dhoweeyay qaabka ra’iisul wasaare dal oo booqanaya dal kale. Waxaa la is garab suray laba calan, Waxaa is garab socda oo saxaafada la wada hadlaya labo mas’uul oo u muuqanaya kuwo siman, amaba uu Madaxweynaha Maamul Goboleedku u muuqanayo Masuul Protocol ahaan isagu sareeya oo u dhaqmaya sidii madaxweyne dalkiisa loogu yimid oo marti loo yahay. Kulamada, soo dhoweynta, Calamada, muujinta sareynta Madaxweynaha Maamul goboleedka dhinaca kurasta ay ku kala fadhiyaan, Ajaaniibta heshiiska wax ka saxiixeysa, hawsha noocaa ku socota waxay dhex maraysaahi Waa Ra’iisul wasaaraha DF Somalia   Cabdi Weli, iyo Madaxweyne Maamul goboleedka Puntland Cabdi Weli Gaas.

Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Gaas wuxuu dhowr mar oo hore sheegay inuu DF Soomaaliya xiriirka u jaray. Wafti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha DF Soomaaliya Cabdi Weli Sheikh ayaa booqasho ku tagay. Maamulka Puntland wuxuu hor dhigay qodobo uu sheegayo in laga wada hadlo. ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo xubnihii la socday oo ay ka mid ahaayeen 2-da Wasiir iyo Xildhibaanadu iyagu meeshaba lama tegin wax ajende ah oo ay ka doonayaan Maamulka Puntland.

Ajendayaasha Puntland miiska soo saartay oo ra’iisul wasaare DF Somalia Cabdi Weli iyo Xukuumadiisa cida ay metelaan oo heshiiska u saxiixayaan:-

• Ra’iisul wasaare Cabdi Weli wuxuu aqbalay in gobolada Soomaaliya qaar kamid ah loogu soo dhoweeyo sidii dal kale, 2 calan siman la is ag suro, wadahadal loo galo sidii laba dawladood, Heshiis loo kala saxiixdo sidii 2 dal! Ra’iisul wasaare Dalkiisii gobolo kamid ah marti u ah!

• Hadii Goboladii Soomaaliya ee ahaa 18-ka Gobol oo Dastuurka lagu soo qoray 2 gobol iyo wixii ka badan noqon karaan maamul goboleed kamid ah Federaalka Somalia uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli aqbalay soona saxiixay in Gobolka Mudug loo kala qeybiyo deegaan qabiil, maadaama gobolada Somalia inta badan wada degan yihiin qabiilo kala duwan sida Gedo, Jubada dhexe, Jubada Hoose, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Sh/hoose, Sanaag, Togdheer iyo kuwa kalaba maxaa laga yeelayaa inta badan gobolada kale ee Somalia?

• Hadii Gobolada Somalia qabaailka degan ku heshiin karin maamul mid ah, muxuu soo kordhinayaa joogitaanka ra’iisul wasaare Cabdi Weli, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dawladda ee Xamar jooga, miyeysan habooneyn in masuul kastaa u laabto dhulka qabiilkiisu degan yahay?

• Hadii ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo 2 kamid ah golahiisa Wasiirada soo aqbaleen in shahaadada dugsiga sare ee Puntland kaliya laga doonayo inay u ekaato mida dawladda Federaalka, Dawladaha caalamkana aqoonsadaan, Maadaamu dalku gobolo isla mid ah yahay soo xaq uma yeelanayaan Gobolada kale in iyana shahaado u gaar ah yeeshaan, shahaadada loo ekaanayo oo DF yeelanayso intee bay ka imaanaysaa??

• Haddii Xubnaha kasoo jeeda Maamulka Puntland ee la booqday sida Wasiirada, -xildhibaanada ama shaqaalaha kale ee dawladda aysan metelin goboladii iyo qabaailkii ay kasoo jeedeen, waa halkee Gobolada iyo qabaailka Dawladda Federaalka Soomaaliya meteleyso?

• Hadii qabaailka jooga Garoowe, Boosaaso, Kismaayo iyo Gobolada kale qaarkoodba ay Masuuliyiinta DF Somaliya u booqanayaan sidii dal kale, oo goboladaa dadka ku nool iyo Maamuladooda u gaar yihiin, canshuuraha ganacsata halkaa ku nool, Dekedaha, Garoomada, u madax banana yihiin Maamulkooda, Ciidankooda, Garsoorkooda, Dastuur u gaar ah leeyihiin, leeyihiin xukuumad, Baarlamaan waa halkee Gobolada iyo waxa naga dhaxeeya oo DF Soomaaliya metelayso?

• Soomaaliya waa 18 Gobol, hadii Gobolada qaar wax kasta oo dalalka Federaalka ah aduunku ku mideysan yihiin aysan u ogoleyn DF Somalia, waa halkee dalka Masuuliyiinta DF Soomaaliya laga soo bilaabo Madaxweynaha, ra’iisul wasaare, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada, iyo dhamaan shaqaalaha DF Somalia ay matalaan?

• Hadii Masuuliyiinta DF Somalia iyo Dastuurka Federaalka Somalia ee la sheegayo in lagu soo heshiiyey aysan shaqeyneyn, oo mamulada goboladu ogoleyn in Xildhibaanada iyo Xukuumada iyo dhamaan Masuuliyiinta kala duwan ee DF Somalia metelaan, oo Maamulada Gobolada ogoleyn in xubnaha la isku darsaday oo DF Soomaaliya, shacabka iyo Gobolada Somaliya ku metelaan arimaha dibadda, Heshiisyada caalamka, ilaalinta xuduudaha, Amniga Dalka, Garsoorka, Maamulka ilaha dhaqaalaha dalka sida dekedaha iyo Garoomada! Waa maxay waxa aan Federaal ku nahay iyo waxa aan kala leenahay?

• Hadii dhaqanka DF Somalia uu noqday Dastuurka iyo Metelaada Masuuliyiinta DF Somalia uu noqday kaliya Muqdisho, oo canshuurta, metelaada xukuumadu, Go’aanada Xildhibaanadu kusoo koobmeen Magaalada Muqdisho, yaa u maqan xuquuqda shacabka Muqdisho oo canshuurta laga qaado mushahar u qaataan 275-ta xildhibaan, inta kalana miisaniyad ahaan u qeybsadaan Gole wasiiro kasoo shaqo tagay dhamaan gobolada Somalia, oo aan cansuurta Muqdisho wax loogu qaban shacabka dulman ee laga qaado!

• Muxuu yahay Heshiiska DF Somalia la saxiixaneyso Maamulada Gobolada qaar, sidii dal kale oo ay goob jog ka noqonayaan waxa loogu yeeero beesha caalamka iyo IGAD? Hadii ra’iisul wasaare Cabdi Weli uusan metelin Puntland waa cidee gobolada iyo qabaailka uu sida gaarka ah u metelo oo wakiishay?

• DF Soomaaliya ma waxaa u kala duwan gobolada Somalia? Ma Goboladaa Kala xuquuq badan?, Federaalnimadu soo maahan in Baarlamanka Federaalka sameeyo awoodaha iyo waxyaabaha DF Soomaaliya Maamulada Gobolada kala yeelanayaan, Xukuumaduna soo doorkeedu ma ahan Dastuur dalka u dhaxeeya, iyo Baarlamaanka Federaalku shuruucda ay dejiyaan inay dalka ku maamulaan iyaga oo xaqiijinaya ku dhaqmida sharciga, sinaanta iyo awoodaha Dawlada Federaalka iyo maamulada goboladu kala yeelanayaan?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com