Xog: Qaswadayaal cusub oo Muqdisho ka billaabay arrimo cusub oo cabsi leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay Caasimada Online ka heshay saraakiisha ammaanka dowlada federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay marti galineyso qaswadayaal cusub oo kasoo horjeeda siyaasada madaxeyne Xasan Sheekh uu ku xukumaayo dalka.

Saraakiisha ayaa sheegeysa in qaswadayaasha ay badi xixiir dhow la leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo fowda wada, waxayna intaas ku dareen inay dhaqaale ku bixinayaan qalqal galinta ammaanka magaalada Muqdisho.

Maxamed Shariif oo kamid ah saraakiisha ayaa cadeeyay in xukuumada Somalia iyo laamaha ammaanka ay ishu ku hayaan ilaa 6-ruux oo ka tirsan siyaasiyiinta, kuwaasi oo qaska Muqdisho u adeegsanaaya maleeshiyaad wata gaadiidka raaxada oo iyagu falal amni daro ku haya magaalada, islamarkaana beegsanaaya shaqsiyaadka laf dhabarka u ah DF.

Waxa uu sheegay in ujeedkoodu yahay inay xumeeyaan magaca magaalada, si dadku u nacaan dowladda iyo madaxweyne Xasan.

Sargaalka ma uusan carabaabin magacyada qaswadayaasha, balse waxa uu farta ku goday in shaqsiyaadkaasi ay naas-nuujinayaan rag ka tirsan dowlada oo qaab qabiil u lug gooynaya horumarka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com