RI WAALAN RIDAADA LAGUMA XIRTO !!!

Iya-goo qabiil shirinayeey, Qaran ku heesaane,  Qaladkaa la saxaya,  runtana waa la qariyaa, Qarka waxaan ka taaganahay xareed,  waana qadayaaye,  Qumbaan waardiyeeyaa ninkale qaada u sito, Qof u yaal waxii loo diroo qaabilaan ahaye  ” Cabdulle Rage ”Alow kuu naxariiso  Xassan ma Hogaamiyaa mise waa Hogaansame ?? weli waa leeys weeydiinayaa ???

Cali Sugule Dun-carbeed waxaa uu curiyay “Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhawraa. Wax ka dhigan gobonimada qabiil dhex gashay kala dhowraa”! Maah-maah  Soomali  ayaa dhaheeysa “dhurwaa La tag bartay,  Ka dhig Waa ku dhib” Puntland weli xadka Somalinimada waa lagu soo celin la yahay maxaa diiday in umada Somali aay cadeeyso in la siman yahay, sinaantana aay tahay mida abuuri karata wadajirka iyo midnimada Somali, waxaa sharaf ka dhac ah in sidii laba dowladadood heshiikooda oo kale laga dhigo  midka Garowe ka dhacay oo waliba marqaati looga dhigo Ethiopia iyo Yurub,  Qaramada midoobay iyo IGAD xagee u soconaa ?? Alow Somali cadaalo xumi iyo sad-buursi ha isugu soo celin.

Waxaa xaqiiq ah in aanan lagu wada socon karin sida aay hada wax u socdaan balse loo baahan yahay in dib loogu fiirsado wadajirka iyo midnimada Somali, waxaa la dhahaa Ri waalan ridaada laguma xirto waxeey taagan tahay Puntland iyo Somali maxaa wax isugu daray iyada oo la ogyahay in colaada iyo sadbuursiga yahay wax sabbabay colaada Somali ragaadisay, waxeey taagan tahay  Fidno hurudo lama kac-shee faraha hay saarin iyo ha cararin goortii aan ogaa waad caga fududeeyde,  waxa socdaa waa fidno iyo colaad cusub, Puntland waxaa ku nool hal jufo oo Somali ah xaqna maaha in dowladii umada ka dhaxeeysay aay hal jufo kula heshiiso sadbuursi iyo cadaalo daro balse waxaa la sugaya sida uu u soo dhaweeyo golaha wasiirda iyo mika baarlamaanka federaalka heshiiska sadbuursiga.

Xaqiiqdii qodobada lagu heshiiyay marka aad Akhriso waxaa ka mid ahaa wax laga  xishoodo sida shahaada waxbarashada dugsiga sare iwm xagee u soconaa man-hajka waxbarasho Puntland miyuu ka duwan yahay midka Somali ?? sidee gobol shahaado u bixin karaa ??

Waxaa qalad ah in heshiiska lagu daro in dastuurka qabyo qoraalka ka wada hadlaan labada baarlamaan, waxaa suáal ah Puntland dowlada dhexe baarlamaanka federaalka  sow kuma laha  xubno ka tarjuma mise baarlamaanka Puntland ayaa ka tarjumaya reer Puntlan, sow xadgudub kuma aha in waxii Somali ka dhaxeeyay jufada Puntland noqoto mida wax laga weeydiiya dastuurkii umada Somali ku heshiisay ??  waxaa quman in qabiilada Somali oo dhan wax laga weeydiiyo haddii wax lagu darayo ama wax laga dhimaayo dastuurka qabyo qoraalka,  maaha jufo Puntland ah wax laga weeydiiyo.

Waxaa marna la qaadan karin in ergayga qaramada midoobay iyo midka IGAD aay noqodaan kuwa marwalba saxiixo heshiis saldhigiisu yahay burbur iyo sad-buursi, waxaa aay saxiixeen in G.Mudug iyo G.Galgaduud noqdaan maamul halka aay saxiixeen mar labaad  in koonfurya Mudug lagu soo koobo maamulkii G.dhexe  sow dastuurka qabyo qoraalka xadgudub kuma aha in laba gobol wax ka yar aay noqdaan maamul.

Heshiiskii r/wasaare Saacid in xiligaan dib loo soo celiyaa waa qalad lagu saxayo qalad kale, heshiiska reer Puntland sida aay rabaan ayeey u fasirteen Somali lama socoto wax lagu heshiiyay,

Waxaa leeys lahaa, waxaa laga gudbay xiligii Siyaad Bare ee kaligiis talinimada aheeyd ee Caaqil Faarax Golalleey ku qeexay murti lugu soo koobtay Siyaasadii “Ama Afgooye aad ama Afweeyne raac ama Afkaaga hayso ” maanta waxeey mareeysaa ama Garowe raac ama afkaaga hayso!

Heshiiska dhaqangalkiisa  waxaa ka horeeya in  golaha wasiirada iyo golaha  baanrlamaanka federaalka la horgeeyo madaxweeynahana aansixiyo si uu u dhaqangalo.koleey waxaa jira damiir ka damqaya waxa aanan Somali aayan iskula jaan qaadi karin oo ah sadbuursi iyo cadaalo dari, waxaan ku kalsoonahay in heshiiska aay diidi doonaan golaha baarlamaanka iyo midka wasiirada .

Hana daayo ruuxaan qalbiga daahir ka aheeyne

W/Q Dr. Ali A. Hirabe            

Hirabe_a@ghotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid