Sawirro: Meydad la garan la’ yahay oo buuxa goobta uu qaraxa ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah oo laga helaayo Xaafada Fiyooraha ee Degmada Wartanabada kana soo horjeeda Barxada Xarunta Iskaashatooyinka gaadiidka ayaa sheegaya in halkaasi ay yaalaan Meydad farabadan oo la garan la’yahay muuqaalkooda.

Meydadkaani la garan la’ yahay ayaa la sheegayaa inay kamid ahaayen dadkii ku fiidsanaayay Baarka Caawa uu qaraxa ka dhacay.

Sidoo kale, Meydadka ayaa la dhigay Xaafada Fiyooraha kuwaas oo aysan jirin Cid Aqoonsatay ilaa hada,sida ay Noo Xaqiijiyeen Dadka Xaafadaasi.

Meyayka ayaa u badan Carruur iyo dhalinyaro goobta ku fiidsaneysay waxaana la Tilmaamayaa in Carruurtaasi uu kamid ahaa Wiil uu dhalay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Cabdi Dhuux.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale, kamid ahaa Wiil uu dhalay Fanaanka Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame.

Dhanka kale, Khasaaraha dhimasho ee Qaraxa ayaa waxa uu kor u dhaafayaa ilaa Lix, halka dhaawacana uu gaarayo 12.

Fi1 Fi2 fi3 fi4 fi6 fi7

Fi10 Fi11 fi12

fi17

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com