Sawirro: Xasan oo Hollande & 6,000 oo shirkado maalgashi kula shiray Paris

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa maanta xarunta Madaxtoooyada ee Jamhuriyadda Faransiiska si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada Madaxweyne waxay ka wadahadleen iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada ay Dowladda Faransiisku oo kursi joogta ah ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaalmada ay ka geysato ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha xag jirka ah ee umadda Soomaaliyeed kala dagaallamaya nolosha.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Madaxtooyada Faransiiska tan iyo markii ayt burburtay Dowladda Soomaaliya sannadkii 1991.

Ka hor inta aan labada Madaxweyne kulmin, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu salaam sharaf ka qaatay ciidammada Madaxtooyada Faransiiska.

Xasan ayaa sidoo kale maanta kulan kula yeeshay magaalada Paris hey’adda MEDEF oo ay xubno ka yihiin in ka badan 6,000 oo sharikadaha dalka Faransiiska ah, wakiilna ka ah Sharikado Caalamka ku filiqsan oo tiradoodu ay ka badan tahay 800,000 oo qaar badan oo ka mdi ahi ay ka howlgalaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyay xarunta MEDEF, wuxuu sharikadahaas ku dhiirri geliyay in ay maalgeashi ka sameeyaan Soomaaliya oo uu sheegay in ay hadda dib u dhismeyso.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen xubnaha wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxman Beyle, Wasiirka Difaaca, Maxamed Sh. Xaamud iyo la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda, Aweys Sh. Yusuf, waxaa khudbaddiisa ka dib su’aalo weydiiyay wakiillo ka socda sharikado xagga Amniga, dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha, Maaliyadda, beeraha, tababbarrada, teknoolajiyada, Gaadiidka cirka, badda iyo dhulka oo ay ku jiraan tareennadu iyo dhinacyo kale oo badan.

Madaxweynuhu wuxuu sharikadahaas uu u ballanqaaday in heshiiska ay la galaan Soomaaliya uu yahay mid waaraya oo aan ku xirnayn Madaxda maanta joogta oo keliya.

Intaa ka dib waxaa Madaxweynuhu iyo wafdigiisu iyagoo wadajira ay mid mid u qaabbileen sharikado Faransiis ah oo isugu jira kuwa ka shaqeeya Soomaaliya iyo qaar doonaya in ay hadda ka howgalaan oo Madaxweynaha weydiinayay su’aalo xog ogaalnimo ku dheehan tahay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, oo isagu shirka soo qaban qaabiyay ayaa ku tilmaamay in shirkani yahay mid wax weyn ka taraya isku xirka ganacsatada iyo sharikadaha Soomaalida iyo kuwa dalka Faransiiska.

xasan paris 1xasan paris 2xasan paris 3xasan paris 4xasan paris 5

Caasimada Online
Xafiiska Paris
Caasimada@live.com