Bas ay la socdeen Ciyaartoyda Borussia Dortmund oo Qarax lala eegtay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay Bas siday Ciyaartoyda Kooxda Borussia Dortmund xili Kooxda ay kusii jeeden Garoonka Signal Iduna Parka.

Kooxdaani ayaa Qaraxa kala kulmay Khasaaro kala duwan waxa uuna Qaraxu dhacay wax yar ka hor inta aysan Kooxdu gaarin Garoonka.

Saraakiisha Booliiska ayaa xaqiijiyay in qaraxa lala beegsaday Baska kooxda intii ay ku soo socdeen Garoonka Signal Iduna Parka waxayna wararka hordhaca ahi sheegayaan in xidiga ree Spain ee Marc Barta cisbitaalka la dhigay Isbitaal.

Xidiga ree Spain ee Marc Barta ayaa waxaa Qaraxa kasoo gaaray dhaawac fudud, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska dalkaasi oo iyagu gaaray goobta.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska dalkaasi ayaa lagu yiri ”Goobta Dortmund waxaa ka dhacay qarax. waxaanu xoog wayn ku joognaa goobta”

Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in aanu qaraxani si toos ah ugu dhex qarxin Buska Dortmund balse uu ka qarxay meel u dhaw Hotelka ay daganaayeen markii ay ka soo baxayeen.

Booliiska ayaa baaritaano wada waxaana la sugayaa in ay war rasmi ah ka soo saaraan sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen iyo xaalada guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com