Sawirro: Wasiir Beyle oo waaya waayo soo xusuustay iyo noloshii hore ee Xamar

By Ali Muhiyaddiin

Muqdisho (Caasimada Online)– Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh ayaa maanta booqasho lug ah ku tegay xaruntii bankingii ganacsiga ee loo yaqiin Silsilaweyne kuna yiiil degmada Shingaani iyo weliba baarkii caanka ahaa ee Cafe Nazonale.

Wasiirka ayaa booqashadiisa luga-baxsiga waxaa ku wehliyay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddiisa, waxaana uu sheegay in booqashadiisan ay aheyd mid uu ku dhex-galayay bulshada, wuxuuna sheegay in booqashadaan ay soo xusuusisay waayo waayo iyo xiligii uu ku fadhi ku diriri jiryay Cafe Nazionale.

Wasiir Beyleh oo ka mid ah wasiirada ugu dhaq-dhaqaaqa iyo wax-qabadka badan xukuumaddan cusub iyo tii ka horreysayba ayaanan ku ekeyn oo keliya jagadiisa wasiirnimo, waxaa uu sidoo kale yahay shakhsi bulshada guubaabiya qorana heesaha iyo gabayada.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dabai 
Caasimada@live.com