Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee NISA, isla markaana wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo bannaanka soo dhigay xogo qarsoonaa oo dagaalka socda la xiriira.
Korneel Macow ayaa marka hore ka hadlay caqabadaha jira ee dib u dhigay dagaalka, wuxuuna sheegay in sanadkii la soo dhaafay laga gaabiyay dagaalkii sida xawliga ah ku socday, taasina ay sababtay in ay dib isku soo abaabulaan xoogagga Al-Shabaab.
“Horta muddo hal sano ah ayaa dib u dhac uu ku yimid dagaalkii sida xawliga ah ku socday, sababtoo ah ciidankii ayaa daalay, Macawiisleyda ayaa daalay, Al-Shabaab ayaa ka baxay deegaannadii markii hore laga xoreeyay. Waxa ay ahayd in maamul loo sameeyo goobahaas, isla markaana la furo saldhigyo boolis si loo ilaaliyo shacabka,” ayuu yiri Korneel Macow.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha keenay dib u dhaca dagaalka, isagoo sheegay inay jiraan dad basaasiin ah oo dowladda ku dhex jira, kuwaas oo fashilinaya guulaha laga gaaray dagaalka. Waxa uu xusay in xildhibaanno qaar ay siyaasadeeyeen dagaalka socda, xubnaha mucaaradkana ay si weyn uga soo horjeesteen qorshaha dagaal ee dowladda dhexe ay kula jirto Al-Shabaab.
“Waxaa jira arrimo dhowr ah oo dagaalka dib u dhac ku keenaya, sida quraafaadka siyaasadeed ee ka socda baarlamaanka iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda dagaalka socda oo doonaya inay curyaamiyaan. Waxaa kale oo jira basaasiin dowladda dhexdeeda ku jira,” ayuu sii raaciyay Korneel Cabdullaahi Cali Macow.
Dhanka kale waxa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan dowlado waaweyn oo dowladda Soomaaliya hagranaya, isla markaana doonaya inay sii jiraan kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo iska dhigaya inay dagaalka qeyb ka yihiin balse aan daacad ka ahayn.
“Dowladaha qaar ee iska dhigaya inay saaxiib kula yihiin sida Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa faragelin xooggan iyo saameyn ku leh in kooxda Al-Shabaab ay sii jirto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu yiri: “Itoobiya waxay dhinac ka abaabuleysaa inay Soomaaliya sii kala qeybsanto, oo ay gobol gobol u kala jabiso, sidoo kalena waxay ka shaqeyneysaa in dagaalka aad kula jirto Khawaarijta aan guul laga gaarin.”
Arrinta kale ee muhiimka ah ee uu xusay ayaa ahayd khibrad-yari haysata qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ka socda furimaha hore, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga fiirsado tallaabooyinka qaarkood, maadaama lala dagaallamayo koox argagixiso halis ah.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dalka uu hadda ka socdo guluf xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka.
Dagaallada ayaa hadda si dardar leh uga socda gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay culeys weyn kala kulmeen maleeshiyada Khawaarijta.