Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa tiro hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo kusoo aaday kadib digniintii amni ee dhawaan kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
Safaaradda ayaa horay u shaacisay inay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” caasimadda, iyada oo sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, kaasoo maanta la weeraray.
Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay xerada Xalane ay qaarkood ku dhaceen gudaha, halka kuwa kalena ay ku hoobteen bannaankeeda, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.
Dhawaqa hoobiyeyaasha ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.
Dhanka kale, garoonka ayaa laga shiday gambaleelka digniinta ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taasoo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aaddan hoobiyeyaasha lala beegsaday xerada Xalane oo ay deggan yihiin hay’ado caalami ah, safaarado, iyo ciidamada shisheeye ee ka howlgala dalka.
Marar badan, Al-Shabaab ayaa sidan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimadda, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada, xerada Xalane, iyo goobo kale oo muhiim ah. Weerarkii ugu dambeeyay ee hoobiyeyaal lagu qaaday garoonka ayaa dhacay xilli uu kasoo degayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan booqasho ku yimid Muqdisho.
Hoobiyeyaashaasi waxay waxyeello gaarsiiyeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kadib markii ay madaafiicdu guryahooda ugu tageen, iyadoo qaar kamid ah dadkaasi ay weli kasoo kabanayaan dhaawacyadii soo gaaray.
Weerarkan maanta dhacay ayaa qeyb ka ah falalka amni-darro ee haatan ka dhacaya caasimadda, xilli ay dowladda federaalka kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa iyaduna xoojisay dhaq-dhaqaaqeeda, waxaana xitaa dagaalyahannadeeda lagu arkay agagaarka Muqdisho, gaar ahaan Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, iyo waddada Balcad, taasoo dhalisay walaac aad u xooggan.
Tani ayaa sidoo kale keentay in dowladdu qaaddo tallaabo degdeg ah, iyadoo ciidamo hor leh u dirtay meelaha lagu arkay Al-Shabaab iyo furimaha hore, si loo xoojiyo dagaalka.
Shalay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isaguna tegay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna xalay ku hoyday degmada Moqokori, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo lagu dardargelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.