Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal culus oo 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay aagga buuraha Calmisaad, kaasoo ay iska kaashadeen Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
Howlgalka oo si aad ah loo qorsheeyay ayaa si gaar ah looga fuliyay Togga Miraale, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Daacish, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab culus, sida ay sheegtay Puntland oo ka hadashay howlgalkaasi.
Ciidamada Puntland ayaa weerarka qaaday, waxaana hawada ka taageerayay diyaarado dagaal oo uu leeyahay Imaaraadka, kuwaasoo duqeeyay xubnaha kooxda Daacish.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka kaddib uu dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa ee waayadan dambe ka dhaca aagga Calmisaad, kaasoo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Togga Miraale, oo ah meesha la isku fara saaray, waxaa saldhigyo ku leh kooxda Daacish, waxaana ku sugan horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib, iyadoo la rumeysan yahay inuu ku jiro Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya, kaasoo sidoo kale maskaxdii ka dambeysay weerarro lagu qaaday ganacsatada Puntland ee diiday lacagihii ay kooxda kusoo rogtay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland oo looga hadlay weerarkan ayaa lagu sheegay in lagu dilay illaa 23 ka tirsanaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay goobta la weeraray ee ka tirsan Togga Miraale, waxaana weli sii socda howlgallada ciidamada.
“Ciidanku waxay howlgal ay ka sameeyeen Togga Miraale 48-dii saac ee u dambeysay ku dileen in ka badan 23 argagixisada Daacish oo ku dhuumaaleysanayey aagga Ceelka Miraale. Sidoo kale, waxay ciidanku howlgallo amni ka sameeyeen Togga Nuur-ku-beenle,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Sidoo kale, waxaa qoraalka lasii raaciyay in ciidamada ay weli ku raadjoogaan xubno kale oo baxsad ah, kana firxaday deegaanka uu howlgalku ka dhacay ee aagga Calmisaad.
“Firxadkii argagixisada Daacish ayaa ciidanku ku raadjoogaa, waxaana geesiyaasha u aagan difaaca Puntland ka go’an inay argagixisada ka ciribtiraan Puntland oo dhan,” ayaa lagu sii daray warsaxaafadeedka.
Daacish ayaa haatan wajahaysa xaalad adag, waxaana kooxda culays xooggan kala kulantay howlgallada haatan ka socda gobolka Bari oo ay hoggaaminayso Puntland.
Bishii December, Puntland ayaa ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish, iyadoo tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo waaweyn oo ay kooxda ku lahayd buuraha fog ee Bari, halkaasoo uu weli kasii socdo howlgalka.