BAXDO oo soo bandhigtay hub ay Al-Shabaab ka furteen iyo maxaabiis + Sawirro

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka deegaanka Baxdo ee Bariga gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay saanad ciidan oo lagu furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.

Sida ay sheegen Saraakiishu tirada laga dilay Al-Shabaab ayaa waxay gaareysa 70 dagaalame, oo ay kooxdu isaga carartay meydkooda kadib markii ay awoodi weysay inay qaataan.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxay sheegen in xubnaha la dilay ay ku jireen ajaanib, ayaga oo xusay in dagaalkii shalay lagu soo qabtay Ninkii waday gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo ay goobta kusoo bandhigeen.

Dagaalkii shalay ee lagu jabiyay Al-Shabaab kadib waxay ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howl-galeen deeganada hoos-taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga Al-Shabaab-kii soo weeraray.

Baxdo hadda wax cabsi ah kama taagna, waxaana isla maanta deegaankaasi looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaas oo maanta ka billowday guud ahaan dalka.

Arrintan ayaa muujineyso inay dhabar adeyg muujiyeen reer Baxdo oo shalay wajahay dagaal qaraar oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, kadib markii ay weerar xoogan kusoo qaadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab oo khasaare la kulmay.