Shirkadaha diyaaradaha dalka oo ku dhawaaqay joojinta duulimaadyada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka diyaaraha gudaha dalka oo maanta kulan isugu yimid ayaa shaaciyay in laga bilaabo maalinta berri ah ay gabi ahaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka ay joojinayaan shaqadii ay hayeen.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareyn dhamaan madaxda Shirkada diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka ayaa lagu sheegay in hay’adda duulista rayidka ay ku guul dareysatay xaqiijinta amniga garoomada, taasina ay ku kaliftay in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin.

“Shir ay maanta iskugu yimaadeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ku midaysan ururka (AOA) loogana hadlayay caqabado kasoo cusboonaaday qayba kamid ah garoomada dalka kuna saabsanaa ku kalsoonaanta amniga, ayaa gaba-gabadii waxaa la isla gartay in madaama Hay’adda Duulista Rayidku aan u muuqan mid u heelan bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran ayaa waxay shirkaduhu go’aansadeen sidaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Laga bilaabo barri oo Axad ah taariikhduna ay ku beegantahay 19, Juun 2022-ka, in l ajoojiyay dhammaan duulimaadyadii ay shirkadaha ku tagayeen garoomada dalka illaa laga gaarayo xal badbaadin kara bad-qabka diyaaradaha iyo rakaabka saaran.”

Shaqo joojinta kasoo baxday Maamulka shirkadaha diyaaradaha gudaha dalka ayaa waxaa wali ka jawaabin dowladda, gaar ahaan hay’adda duulista hawada, oo ay ku eedeeyeen inay ku guul-dareysatay ilaalinta amniga diyaarahada iyo rakaabka saaran.