Maxay yihiin xerta hubeysan ee Baxdo ee mar kasta Al-Shabaab casharka u dhigta ?

Baxdo (Caasimada Online)- Dagaal sababay khasaaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Shalay ka dhacay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo sameeyay iska caabbin iyadoo gaadiid qaraxyo siday oo ay Al-Shabaab weerarka ku billaabi rabtay ay suurtagali weyday in ay qarxaan, kuwaas oo la qabtay sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Dadka inta badan ka hortaga Shabaabka waa dad deegaanka deggan, waxayna u badan yihiin dad xer ah oo ah xerta loo yaqaanno Suufiyada gaar ahaan Axmadiyada. Saldhiggooda ugu weyn waa masaajidka jaamaca ah ee magaalada Baxdo. Halkaas ayay joogaan oo ay kitaabbada ka raacdaan.

Waxaa u jooga mashaa’ikh ay mar walba ku xiran yihiin oo u ah hoggaamiyeyaal diimeedyo. Xertaas intooda badan qoysas iyo ganacsiyo ku leeyihiin magaalada oo ay deggan yihiin. Sidoo kale, dadka qaraabada la ah ama ay ehelka yihiin ee ku sugan deegaanka iyaga ayay mabda’ ahaan taabacsan yihiin. Waa wadaaddo bulshada deegaanka Baxdo u ah indheer-garad. Sidaas daraaddeed, mar kasta oo la soo weeraro Baxdo iyaga ayaa ah ciidan oo ka hortaga.

Xertaan ma aha ciidamo abaabulan oo hub iyo ciidan iyo xeryo leh. Waa dad goonnidood u socda oo deegaanka ah. Laakiin, nin walba gurigiisa waxaa yaalla hub u gaar ah oo uu soo iibsaday. Dhowr jeer oo Al-Shabaabka ay soo weerartay magaalada qof walba gurigiisa ayuu ku laabtay, qorigiisa ayuu soo qaatay, wuxuuna billaabay weerar-celin. Dadka Baxdo ee dhowrka jeer weerarka kala hortagay Al-Shabaab, waa dad noocaas u shaqeeya.

Baxdo waa magaalo ku taalla gobolka Galgaduud, dhinaca koonfur-bari ayay qiyaastii 90 km ka xigtaa degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Waa deegaan yar, waxaana ka dhisan maamul aan xoogganayn oo ciidamadiisa iyo tasiilaadkii kale ee uu wax ku fulin lahaa aysan u dhameystirneyn . Magaaladu waxay ku tiirsan tahay dadka deggan.