24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Maxaad ogeyn oo ka socda Baydhaba?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa ku qulqulaya ergooyin ka qaybgalaya shirka maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Malaakh Cali Shiino oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meel gabgabo ah uu soo gaaray dhismaha maamulka lixda gobal loo sameenaayo.

“Magaalada waxaa soo gaaray xubno badan oo ah dadkii lagu casuumay shirka looga hadlaayo maamul gobaleedka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Malaakh Cali Shiino.

Maalakha ayaa sidoo kale tilmaamay in maalinta berri ah ay Baydhabo soo gaari doonaan wafdigii ugu badnaa kuwaasoo gogol xaar u ah shirka maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed.

Inta badan ergooyinka ka qaybgalaya maamulka lixda gobal waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, halkaasna ayaana ay ka ambixi doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News