Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta shir saxaafadeed ku qabtay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, iyagoona ka hadlau arrimaha Jubbooyinka.
Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka, Maxamed Xasan Xaad, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkii labo maalin ka hor ay ku yeesheen magaalada Kismaayo dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.
Xaad ayaa sheegay in wax kasta oo nabad lagu raadinaayo ay soo dhaweenayaan maadama dadka reer Kismaayo ay ka daaleen dagaallo.
Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka, ayaa dhinaca kale caddeeyay in dadka reer Kismaayo ay dhibaatooyin kala kulmaan ciidamada Axmed Madoobe, qaar kooxd waa la iibsadaa gacansatadana lacago baad ayaa laga qaadaa ayuu yiri.
Ugu dambeen guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in wax kasta oo dhibaato ah oo loo geesto dadka reer Kismaayo in ay mas’uul ka yihiin maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

