Bayle oo jawaab ka bixiyey kiiska musuq maasuqa lagu helay xukuumada Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib markii warbixin ka hadlaeyso Miisaaniyadda dowaldda ee 2018ka loo qeybiyay shalay xildhibnaaanada golaha shacabka ee Golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana ay soo diyaariyeen warbixintaasi guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ayaa eedeemo kulul loogu jeediyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wasaaradda maaliyadda ay ku howlantahay masuq maasuq xoog leh loona baahanyahay in arintaasi wax laga qabto haddii kale ay ragaadineyso howlaha dowladda ee socda.

Sidoo kale warbixinta ayaa ku xusneyd inuusan waxba ku kordhin miisaaniyadda dowladda arintaasi ayaa waxba kama jiraan waxaa ku tilmaamay wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Bayle ayaa beeniyay warbixinta guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha lagu eedeeyay.

Mudane C/rximaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaalia isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin inay hortagaan Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si ay uga jawaabaan wax kasta oo madmow uu ku jiro.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com