Beegsiga ka socda xarunta Gobolka Banaadir oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir ee lagu sameeyay shaqo joojin iyo mushaar ka xayirid, kadib markii uu gobalka ka billowday cadaadis la saarayo shaqaalaha ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo. 

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in 70 qof ay marayaan dadka shaqada laga eryay, kuwaasoo ka tirsanaa dowladda Hoose, waxeyna dhamaantood yihiin shaqaalaha rayidka ah ama waa kuwa aan ka tirsaneyn qeybaha amaanka. 

Dowladda Hoose ee Xamar weli kama aysan hadlin go’aankaan shaqada looga eryayo shaqaalaha gobolka, hase yeeshee waxaa sababta lagu sheegay in la beegsanayo dhamaan dadka ka aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasada uu maamulka gobalka ku shaqeeyo. 

Sidoo kale waxaa la beegsanayaa shaqsiyaadka ay damiinka ka yihiin siyaasiinta mucaaradka noqday iyo odayaasha dhaqanka ee taageera siyaasiinta mucaaradka ah. Cabashooyin badan oo ay sameeyeen dadka shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa mira dhalin waxaana qaarkood ay ka baqayaan in ay la hadlaan warbaahinta si aan loo sii beegsan. 

Caasimada Online ayaa 7-dii bishan weerisay in Maamulka Gobalka Banaadir uu shaqo joojin ku sameeyay 21 qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobalka Banaadir.

Badanaa dadkaas shaqada laga ceyriyay ayaa waxaa keenay Axmed Iimaan iyo Ibraahim Dheere oo laba guddoomiye ku-xigeen oo dhinaca maaliyada ah ka soo noqday gobalka Banaadir, islamarkaana hadda la shaqeeyaa Xasan Cali Kheyre oo ay qaraabo yihiin.

Sidoo kale waxaa qeyb kale oo dadkaas kamid ah shaqaaleysiiyay Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Senator Dhageey iyo Mustaf Dhuxulow, kuwaasoo hadda la sheegay in ay mucaarad ku yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka horimaneysa heshiiskii Ra’iisul Wasaare Roobe iyo Mucaaradka ee dhigayey inaan la beegsan dadka ka aragtida duwan dowladda.