Beel ka hor-timid baarlamaanka cusub ee Juba

Warsaxaafadeed

Anaga oo ah beesha Geri, kana mid ah beelaha dega gobalka Jubbada Hoose, isla markaana ka soo qaatey qayb libaax dib u xoreyntii iyo yagleelitaankii maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweynaha KMG Axmed Maxamed Islaan, waxa marag ma doonta ah in beesha Geri hiil iyo hooba la garab taagneyd maamulka Jubbaland gudaha iyo dibadaba.

Anaga oo ah beel ku caan ah maslaxadda iyo nabad kula noolaanshaha ummada Soomaaliyeed, isla markaana jecel midnimadda iyo wada jirka beelaha ku nool deegaanada Jubbaland, waxaan halkan ku soo gudbineynaa tabashadeyda ku aadan caddaal daradda nalagula kacay ee ku aadan soo xulistii xubnaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbaland saamigii aanu ku lahayn deegaanada beesha Geri ay degan tahay sida degmada Afmadow , Jamaame , Kismaayo , iyo waliba xagar iyada oo si cad looga duudsiyey xaqii ay ku lahaayeen loona awood sheegtey.

Arrintaas oo wax ka qabashadeeda aanu in badan kala xaajooney masuuliyiinta u sareysa maamulkaas, ilaa madaxweynaha , gudiga xalinta khilaafaadka iyo cid kasta oo ay khuseyso arrintaas aan kor ku soo xusey. Masuuliyiintaas oo dhamaantood noo balanqaadey in aanu helayno saamiga aan ku leenahay xubnaha Baarlamaanka ee Jubbaland. Waxaase ayaandaro iyo lama filaan nagu noqotey in aan habba yaraate wax tixgelin ah la siin codsigaygii, si kas iyo maan ah na nalooga duudsiyay golaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbalnd.

Haddaba waxaan rabnaa in aan beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeed aanu halkan uga cadeyno in aaney noo cuntameyn arinkani, isla markaana aanaanu ku qanacsaneyn natiijada ka soo baxdey xulistii xubnaha Baarlamaanka ee Jubbaland, taaasi oo ku saleysan caddaalad daro iyo xaq daro.

Wa Bilaahi TawfiiqBeesha Geri waxay diyaar u tahay difaaca sharafta iyo karaamadooda , xaqayagana aanu ku raadsayno marin kasta iyo si kasta oo aanu ku heli karno.

Saleebaan Maxamed Sh. Cumar (Qaadi Kabacad)
Gudoomiyaha Beesha Geri ee Deegaanada Jubooyinka

Email: gericommunity2007@hotmail.com