DFS oo ka fakireyso Soomaalida Koonfur Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – U qeybsanaha Arrimaha Dhaqanka ee Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Koonfurta Afrika, Abdi Halane Hersi ayaa sheegay inay caawin doonaan Muwaadiniinta Soomaalida ee ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Falalka Boobka iyo Isir-nacaybka ee ka aloosan dalkaasi.

U qeybsanaha oo Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANATOLU kula hadlay caasimadda dalka Koonfurta Afrika ee Pritoria, ayaa sheegay in Ganacsatadda Soomaalida ee ay dhibaataddu ka soo gaareen qalalaasaha laga taageeri doono sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalka Hooyo.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay tiro badan oo Soomaali ah dhibaatooyin ka soo gaareen qalalaasaha weli ka socda magaalladda Xeebta leh ee Darban ee dalka Koonfurta Africa.

Diplomaaisga waxa uu tilmaamay inay Xukuumadda Federalka Somalia had iyo jeer taageero u fidiyaan dib-u-soo-celinta Muwaadiniinta ku dhibaataysan Caalamka.

Waxa uu farta ku fiiqay inay Xukuumadda horey u soo daad-gureysay Soomaalida ku xayirantay dagaalladda ka dhacay dalka Koonfurta Sudan iyo kuwa ka aloosan Yemen.

Isha Anatolu

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com