Dhageyso: Khudbadii yaabka lahayd ee Xasan

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal dhinacyo badan taabanayay waxa uu ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud, kaasi oo maanta ka furmay degmada Cadaado.

Ugu horeen waxa uu madaxweynaha u mahad celiyay maamulada kala ah Ahlu-sunna Waljameeca, Ximan iyo Xeen iyo maamulka Gal-mudug State oo uu tilmaamay in iyaga oo maamulo ahaa ay u tanaasuleen sidii loo sameyn lahaa maamul loo dhan yahay.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay meel mariso waxa ay dadka kusoo heshiiyaan, islamarkaana waqtiga ay haysato dowladda laga rabo in dalka horumaro ay gaarsiiso.

“Maalintii aan nimid illaa iyo hadda waxaan ka shaqeynayna sidii loo meelmarin lahaa wixii shacabka ay ku heshiiyaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka xilligaan ay ka jiraan maamulo KMG ah oo la doonayo in ay u xuubsiibtaan Federaalka oo uu kala jeeday dowlad gobaleed.

Mar uu ka hadlay madaxweynaha wax qabadka maamulka Ximan iyo Xeeb ayuu ku amaanay sida ay isugu dabarideen halka shirkaan lagu qabanayo, dib u dhiska magaalada, isaga oo tilmaamay in dowladda aan wax qarash ah ku bixin daaraha dhisan ee lagu soo dhaweeyay wafdiga ballaaran ee ku sugan degmada Cadaado.

Odayaasha dhaqanka ee dhisaya maamulkaan ayuu sheegay in hadda talada gacantooda ay ku jirto, islamarkaana iyaga laga doonayo in ay doortaan hogaan daacad u ah bulshada, balse aysan cid kale eedin hadii ay keenaan dad laga shalayn doono.

“Aniga Galgaduud waan kusoo noq noqon doonaa, waad ogtihiin inta jeer ee aan Baydhaba tagay, buuqa inta kaliya ma ahan, Baydhaba ayaa la’igula buuqay, Kismaayo sidoo kale, kan soo socdana sidaas ayaa laga yaabaa, laakiinse muhiimadda waa in wax la qabtaa oo maamul la helaa oo kaliya, aniga intaas ayaa farxad ii ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay in uu furan yahay shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com