Xog: Lacagta ay Amisom ka macaasheen iibinta shidaalka musuq-maasuqa oo la shaaciyey

Kampala (Caasimada Online)- Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ee Hawlgalka AMISOM, Gaashaanle Sare Eugine Ssebugwawa ayaa mar kale la soo taagay Maxkamadda Milliteriga ee magaalladda Kampala, isagoo lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah u iibiyey Kaydkii shidaalka ee Ciiddamadda.

Taliyahaasi ayaa waxa ku markhaati furay saddex Askari oo iyagu qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ku amray inay shidaalkaasi iibiyaan, isagoo u ballanqaaday lacago abaalmarinno ah.

Markhaatiga Koowaad oo lagu magacaabo Ayubu Masumbuko ayaa ka hor sheegay Maxkamadda in lagu amray inuu bishiiba labo jeer iibgeeyo shidaal dhan ilaa 8,000 oo litir.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ee Hawlgalka AMISOM, Gaashaanle Sare Eugine Ssebugwawa u ballanqaaday inuu halkii safar oo uu shidaal soo iibiyo la siinayo lacag dhan 5,350 Dollar.

Markhaati kale oo lagu magacaabo Denis Awao ayaa tilmaamay inuu Taliyihii hore u sheegay inuu shidaal iibinta ka macaashay lacag dhan 72,400 oo Dollar.

Dhegeysiga dacwadda loo haysto Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ee Hawlgalka AMISOM, Gaashaanle Sare Eugine Ssebugwawa ayaa lagu wadaa inuu maanta iska difaaco Dacwadaha lagu soo oogay.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com