Beelaha MURUSADE iyo DUDUBLE oo go’aan culus uga dhawaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Duduble iyo Murusade ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsanaya dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Labadaan beelood ayaa sheegay inay isku af-garteen inay iska kaashadaan dagaalka deegaanada ay wada degaan looga xoreynayo Al-Shabaab, gaar ahaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanada iyo wasiirrada beelahaas ayaa ka hadlay munaasabadii lagu soo gabagabeeyey shirkaas, waxayna sheegeen inay ka mideysan yihiin dagaalka lagu xoreyn doono Ceelbuur.

Wasiirka Cadaalda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa sheegay inuu Ceelbuur ku dhashay, isla markaana uusan maanta tegi karin Ceelbuur

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in tani ay ka dhigan tahay in beeshiisa Murusade ay ku jirto gumeysi ay Al-Shabaab ku heystaan dhulkooda, isagoo wacad ku maray inay dhulkooda ka xoreysa doonaan kooxda.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Senator Farxaan Cali Maxamuud ayaa balan qaaday in markii uu guuleysto is kaashiga ay Murusade iyo Duduble ku xoreynayaan Ceelbuur ay si gaar ah xoogga u saari doonaan ka shaqeynta hormarkeeda.

Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas ayaa sheegay in qorshihii hore uu ku fashilmay abaabulka oo yaraa, balse maanta ay garab ka helayaan beesha Murusade “hadii aan nahay reer Ceel-buur waa in aan dhiiga isku shubnaa oo dagaalka wada galnaa” ayuu yiri Dhegey Ugaas.

“Beesha Murusade hadda dagaalka waa soo gashay ilaa 7 diyaaradood oo ciidan ah ayey Muqdisho ka direen, sidoo kale Duduble waa diyaar garoobay, qabiil kasta ciidankiisa ayuu diyaariyey, waxaana muuqata inaan isku filanahay,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas Dhegey.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa sidoo kale muujiyey yidadiilo ah in iskaashigaan uu guuleysa karo isla markaana si fudud lagu xoreyn karo Ceelbuur, “waxaa arki doontiin madaxda Al-shabaab oo aad wada taqaaniin in la soo qaban doono dhamaantood,” ayuu yiri.