Mahad Karataay oo qiil yaab leh u sameeyey shacabkii ay ku xasuuqeen Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mahad Warsame (Karataay) oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu laayey dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Karataay oo ka hadlayey shir ay culumada taageersan ugu fatwoonayeen kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe ay ugu talageen xarunta Wasaaradda Xaxbarashada oo ku taal meel u dhow isgoyska Zoobe.

Mahad Warsame ayaa sheegay in qaraxii koowaad oo baabuur ah ay ku dhufteen Wasaaradda Waxbarashada, halka baabuurkii labaad uu sheegay inay rasaas ku fureen ciidamada dowladda, kadibna ay qarxiyeen isagoo aan gaarin halkii loogu talagalay.

“Qaraxii koowaad wuxuu u dhacay sidii loogu talo-galay, kii labaad waxaa rasaas ku furay ciidamada dowladda oo diiday inuu gaariga gaaro meesha loogu talagalay oo ah wasaaradda, khasaaraha shacabka kasoo gaaray waxaa mas’uuliyaddeeda qaadeysa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri.

Hoggaamiyahaan ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay muddo badan waday qorsho ardayda Soomaaliyeed looga dhigayo askar, sida uu hadalka u dhigay wuxuuna sheegay inay dhowr sano baaritaan ku hayeen.

“Annaga dhiigga muslimiinta waa naga xaaraan, dadkii shacabka ahaa ee qaraxyada ku dhintay waan u tacsiyeyneynaa, anaga mar kasta waxaan weerar kusoo nahay xarumaha dowladda, waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay ka guuraan goobahaas, haddii aysan ka guurin wixii soo gaaro iyaga mas’uul ka ah,” ayuu yiri.

Hadalkiisa wuxuu kusii daray inay been abuur tahay warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ah inay qaraxyadaas ku dhinteen 100 qof oo shacab ah, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in dadka dhintay ay 69 ka mid ahaayeen askarta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeynti Mahad Karataay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dagaalka uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Al-Shabaab ayaan horey looga baran inay qiil u sameyso ama iska leexiso eedaha shacabka ay ku laayaan qaraxyada, waxaana hadalka Mahad Karataay uu abuurayaa su’aalo ku saabsan sababta ay xilligan sidaas u doorteen.

Kooxdan ayaa hadda wajaheysa kacdoon shacab oo awood badan, waxaana qaraxyadii Zoobe 2 ay sii kordhinayaan dadka u careysan ee hubka qaadanaya, taasi oo ay suurta-gal tahay inay ka walaacsan tahay, sidaasna Mahad Karataay ugu qiil dayayo dadkii la laayey.