Sawirro: Xasan Sheekh oo Xoghayaha QM hor dhigay labo qodob oo xasaasi ah

Algiers (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha kala hadlay labo arrin oo kan koowaad uu yahay dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada beesha caalamka, si loo soo af-jaro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna xusay in cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.

Qodobka labaad, Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna  adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.