Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u magacaabay Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka, kaddib markii lixdii bishan ay baarlamaanka codka kalsoonida ah kala laabteen xukuumaddii Ra’iiusul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxaa magacaabidaasi dhaliilay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Ogaadeen.
Xildhibaano ka tirsan Beesha kana mid ah BF Somalia oo Muqdisho ku sugan ayaa ka hadlay magacaabista Madaxweyne Xasan ee uu Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke magacaabay.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo aad uga careysnaa ballamo uu Madaxweyne Xasan uga baxay, ayaa waxa ay Caasimada Online u sheegeen inay dhaliilsan yihiin qaabka ay u dhacay Magacaabista.
Sidoo kale waxa ay sheegen in Madacaabista R/W CCC Sharmaarke ay sababi karto inay istaagto calaaqadii ay la lahaaeyn Madaxweynaha, kadib markii ay ku balameen in xilka Ra’isul wasaarenimo uu u magacaabo Xuseen Cabdi Xalane, hayeeshee uu ku dul magacaabay Cumar Cabdirashiid.
Waxa ay tilmaamen in Cumar Cabdirashiid uu dambiyo kala duwan dalka ka galay, islamarkaana uusan muteysan in xilkaasi loo magacaabo, waxayna sheegeen in Xassan Sheekh aysan dib dambe u aamini doonin.
Xildhibaanada Ogaadeen, ayaa waxa ay kamid ahaayen kuwii taageersanaa Mooshinkii uu xilka ku waayay C/weli Sheekh Axmed, waxa ayna taasi ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha uu u sameeyay balanqaad ku aadan inuu ka dhigi doono Ra’isul wasaaraha dalka waa haddii ay ridaan Xukuumada C/weli, hayeeshee markii ay rideena ayuu Xassan dib uga laabtay balamihii uu qaaday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

