Beesha caalamka oo caadis xoogleh saareysa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa billowday in cadaadis xoogleh saarto madaxweynayaasha maamullada Puntland & Jubbaland oo weli ka maqan shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in wufuud ka socota beesha caalamka ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wafdigan ayaa maanta kulan gaar ah la leh Siciid Deni, iyaga oo kala hadli doono ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaranka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale oo ka socda beesha caalamka ay kusii jeedaan dhanka Kismaayo, si ay u wajahaan Axmed Madoobe oo weli si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada ka qeyb-galaya shirka doorashooyinka, si xal loogu wada-gaaro.

Puntland & Jubbaland ayaa weli tabasho xooganka tirsanaya madaxda Villa Soomaaliya, waxaana saacaihii ugu dambeeyey hadallo kulul usoo mariyeen dhinaca warbaahinta.