Beesha caalamka oo digniintii ugu adkeyd u dirtay DFS iyo Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal u muuqday cannaan iyo digniin ku wajahan hay’addaha dowladda federaalka, madaxtooyada iyo baarlamaanka ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka Dhuusamareeb 3 ayna waajib tahay in si wada jir ah loogu qeybgalo.

Qodobada warsaxaafadeedkaan oo aad u adag ayaa qodobka ugu culus wuxuu qeexayaa in aysan cid gaar ah, hadey ahaan laheyd DF, maamul goboleedyada ama xisbiyada siyaasadeed inaysan soo saari karin go’aan, tasoo loogu gol leeyahay in mudo xileedka dowladda waxna lagu dari karin xitaa haddii baarlamaanku go’aamiyo.z

Qoraalka ayaa sidoo kale baarlamaanka iyo hay’addaha kale ee dowladda looga digay mudo kororsi hareer marsan sharciga iyo in laga wada shaqeeyo qabsoomida doorasho la isla ogal yahay. Wuxuuna Warsxaafadeedka u qornaa sidan.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka (ee liiska hoos ku taxan)* waxay ku hanweynyihiin shirka ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dib isugu imanayaan magaalada Dhuusamareen 15ka bishan Agoosto, sida qorsheysan, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan dhammaan madaxda DGXDF iyo DFS. Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon.

Haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo. Iyadoo saddex bilood keliya ay ka hartay taariikhda bisha Nofeembar ee la qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka federaalka ee sannadka 2020, iyo iyadoo afar bilood keliya ay ka dhiman tahay inta uusan dhammaanin xilli xileedka Baarlamaanka Federaalka 10aad, saamilleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, iyo gaar ahaan hanaanka doorashada, oo dib u dhac dheeraad la’aan ah.

Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo. Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan.

Waxaan xusuusanaa in muddadii la jooga shirweynihii hore, ay madaxdu ku heshiiyeen inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dhammaan saamilleyda qancisa lana hirgelin karo. Sidaa daraadeed, guddiga farsamada waa inuu diiradda saaro inuu dejiyo xulashooyin laga xulan karo si loogu heshiiyo qaab doorasho oo lagu gaaray isutanaasul, si loo qanciyo dhammaan saamilleyda.

Waxaan mar kale adkeynaynaa, sidaan horeyba ugu sheegnay baaqyadeenii hore iyo wadahadallada hadda noo socda ee aan la leenahay dhammaan saamilleyda, in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin.  Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharcidejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerada lagama maarmaanka ah siino qabashada shirweynaha Dhuusamareeb ee soo socda iyo hawsha dhabta ah ee guddiga farsamada.

Dowladaha Beesha Caalamka ee warka soo saaray ayaa kala ah: Belgium, Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.