Muxuu MW Farmaajo u sheegi doonaa Golaha shacabka?

Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa faah faahin kooban ka bixiyey kulanka maanta ee Golahaasi, kaas oo la filayo inuu hortagayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Mursal oo u warramay BBC-da ayaa ayaa sheegay Madaxweynuhu uu warbixin siin doono xildhibaanada Golaha Shacabka, taas oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warbixintiisu ay la xiriirto ballan qaadkii uu ka sameeyey Dhuusamareeb ee ahaa in dib ugu laaban doono baarlamaanka Soomaaliya, si uu ula tashado.

“Waa tii uu madaxweynaha horay u ballan qaaday in marka uu soo laabto baralamaanka warbixin siin doona, waxayna ku saleysan tahay xaaladda doorashada dalka “ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka Golaha Shacabka oo ah mid xasaasi ah ayaa saacadaha soo socda ka furmaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhammaantooda lagu war-geliyey inay soo xaadiraan kulanka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu uga qeyb-galayo wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee la filayo inay dhacayaan 2020 illaa 2021-ka.

Villa Soomaaliya ayaa xaqiijisay safarka Madaxweynaha uu ku tegayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Illaa iyo hadda ma jiro oo hal Madaxweyne goboleed oo gaaray magaaladaasi, waxaana qorshuhu ahaa in shirka uu furmo 15 Augus oo maanta ku beegan, balse sida muuqata uu dib uga dhacay.

Shirkaan ayaa ku duwan shirarkii hore, wuxuuna ku soo aadaya, xilli ay ka sii dartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib markii la riday ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.