Ma ka qeyb-galayaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe shirka Dhuusamareeb 3?

Garoowe (Caasimada Online) -Ilo wareedyo lagu kasoon yahay ayaa xaqiijiyey in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) uu ka qeyb-galayo wejiga saddexaad shirka wada-tashiga ee ka dhacaya Dhuusamareeb.

Deni oo haatan booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa la sheegauyinuu soo gabagabeyn doono socdaalkaasi, islamarkaana uu ku laaban doono Garoowe, kadibna uu uga sii gudbi doono caasimada Galmdug ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Axmed Madoobe ee isna beri tegayo Dhuusamareeb, si uu qeyb uga noqdo shirweynaha ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland horey saluug uga muujiyeen qabsoomida shirkan,maadaama ay wax badan is-bedaleen, kadib shirarkii ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sidoo kale arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada weli aysan maamullada Puntland iyo Jubbaland aynsan magacaabin xubnaha ku metelaya guddiga arsamo ee ka shaqeynaya arrimaha doorashada, kuwaas oo shirar ku yeeshay Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday Deni iyo Axmed Madoobe inay ka soo qeyb-galaan shirka Dhuusamareeb, sidoo kalena ay qeyb ka noqdaan shirarka ka socda caasimada.

Shirka Dhuusamareeb 3 oo saaka lagu waday inuu furmo ayaa dib u dhacay, balse maanta ayaa waxaa la filayaa in wufuudii ugu horreysay ay gaarto gudaha magaaladaasi.